1 M arkaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso.
Then Solomon said, “The Lord has said that He would dwell in the thick cloud.
2 L aakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso.
“I have built You a lofty house, And a place for Your dwelling forever.”
3 M arkaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.
Then the king faced about and blessed all the assembly of Israel, while all the assembly of Israel was standing.
4 M arkaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,
He said, “Blessed be the Lord, the God of Israel, who spoke with His mouth to my father David and has fulfilled it with His hands, saying,
5 T an iyo maalintii aan dadkayga ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, oo weliba ninna uma aan dooran inuu ahaado amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil.
‘Since the day that I brought My people from the land of Egypt, I did not choose a city out of all the tribes of Israel in which to build a house that My name might be there, nor did I choose any man for a leader over My people Israel;
6 L aakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.
but I have chosen Jerusalem that My name might be there, and I have chosen David to be over My people Israel.’
7 H addaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Now it was in the heart of my father David to build a house for the name of the Lord, the God of Israel.
8 L aakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.
But the Lord said to my father David, ‘Because it was in your heart to build a house for My name, you did well that it was in your heart.
9 H abase yeeshee adigu gurigii ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona.
Nevertheless you shall not build the house, but your son who will be born to you, he shall build the house for My name.’
10 H addaba Rabbigu wuu oofiyey eraygiisii uu ku hadlay, waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday, oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.
Now the Lord has fulfilled His word which He spoke; for I have risen in the place of my father David and sit on the throne of Israel, as the Lord promised, and have built the house for the name of the Lord, the God of Israel.
11 O o halkaasna waxaan dhigay sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu reer binu Israa'iil la dhigtay. Baryadii Sulaymaan
There I have set the ark in which is the covenant of the Lord, which He made with the sons of Israel.” Solomon’s Prayer of Dedication
12 M arkaasuu hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga, iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, kolkaasuu gacmihiisii kala bixiyey
Then he stood before the altar of the Lord in the presence of all the assembly of Israel and spread out his hands.
13 ( waayo, Sulaymaan wuxuu sameeyey mambar naxaas ah oo dhererkiisu ahaa shan dhudhun, ballaadhkiisuna shan dhudhun, sarajooggiisuna saddex dhudhun, oo wuxuu qotomiyey barxadda dhexdeedii, oo intuu ku kor istaagay ayuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku jilba joogsaday, oo gacmihiisuu xagga samada u kala bixiyey).
Now Solomon had made a bronze platform, five cubits long, five cubits wide and three cubits high, and had set it in the midst of the court; and he stood on it, knelt on his knees in the presence of all the assembly of Israel and spread out his hands toward heaven.
14 O o wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, samada iyo dhulka toona Ilaah kula mid ahu kuma jiro, adoo axdiga xajiya oo u naxariista addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.
He said, “O Lord, the God of Israel, there is no god like You in heaven or on earth, keeping covenant and showing lovingkindness to Your servants who walk before You with all their heart;
15 W aad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.
who has kept with Your servant David, my father, that which You have promised him; indeed You have spoken with Your mouth and have fulfilled it with Your hand, as it is this day.
16 H addaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.
Now therefore, O Lord, the God of Israel, keep with Your servant David, my father, that which You have promised him, saying, ‘ You shall not lack a man to sit on the throne of Israel, if only your sons take heed to their way, to walk in My law as you have walked before Me.’
17 H addaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, eraygaagii aad addoonkaagii Daa'uud kula hadashay ha rumoobo.
Now therefore, O Lord, the God of Israel, let Your word be confirmed which You have spoken to Your servant David.
18 H addaba ma dhab baa in Ilaah dadka la degganaan doono dhulka? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa?
“But will God indeed dwell with mankind on the earth? Behold, heaven and the highest heaven cannot contain You; how much less this house which I have built.
19 O o weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,
Yet have regard to the prayer of Your servant and to his supplication, O Lord my God, to listen to the cry and to the prayer which Your servant prays before You;
20 i n indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacayga halkaasaan dhigi doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.
that Your eye may be open toward this house day and night, toward the place of which You have said that You would put Your name there, to listen to the prayer which Your servant shall pray toward this place.
21 B al maqal baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno. Kaas ka maqal meeshaad deggan tahay oo ah samada, oo markaad maqashid na cafi.
Listen to the supplications of Your servant and of Your people Israel when they pray toward this place; hear from Your dwelling place, from heaven; hear and forgive.
22 H addii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,
“If a man sins against his neighbor and is made to take an oath, and he comes and takes an oath before Your altar in this house,
23 d e markaas samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun, adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay.
then hear from heaven and act and judge Your servants, punishing the wicked by bringing his way on his own head and justifying the righteous by giving him according to his righteousness.
24 O o haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan oo magacaaga qiraan, oo hortaada ku tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,
“If Your people Israel are defeated before an enemy because they have sinned against You, and they return to You and confess Your name, and pray and make supplication before You in this house,
25 m arkaas samada ka maqal, oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad iyaga iyo awowayaashoodba siisay.
then hear from heaven and forgive the sin of Your people Israel, and bring them back to the land which You have given to them and to their fathers.
26 O o hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas daraaddeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qiraan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,
“When the heavens are shut up and there is no rain because they have sinned against You, and they pray toward this place and confess Your name, and turn from their sin when You afflict them;
27 d e markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.
then hear in heaven and forgive the sin of Your servants and Your people Israel, indeed, teach them the good way in which they should walk. And send rain on Your land which You have given to Your people for an inheritance.
28 H adday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,
“If there is famine in the land, if there is pestilence, if there is blight or mildew, if there is locust or grasshopper, if their enemies besiege them in the land of their cities, whatever plague or whatever sickness there is,
29 k olkaas haddii nin kastaaba amase dadkaaga reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan, oo nin kastaba ogaado belaayadiisa iyo murugtiisa, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,
whatever prayer or supplication is made by any man or by all Your people Israel, each knowing his own affliction and his own pain, and spreading his hands toward this house,
30 d e markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, )
then hear from heaven Your dwelling place, and forgive, and render to each according to all his ways, whose heart You know for You alone know the hearts of the sons of men,
31 i nay kaa cabsadaan oo ay jidkaaga maraan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay.
that they may fear You, to walk in Your ways as long as they live in the land which You have given to our fathers.
32 O o weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan,
“Also concerning the foreigner who is not from Your people Israel, when he comes from a far country for Your great name’s sake and Your mighty hand and Your outstretched arm, when they come and pray toward this house,
33 d e markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
then hear from heaven, from Your dwelling place, and do according to all for which the foreigner calls to You, in order that all the peoples of the earth may know Your name, and fear You as do Your people Israel, and that they may know that this house which I have built is called by Your name.
34 O o hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
“When Your people go out to battle against their enemies, by whatever way You shall send them, and they pray to You toward this city which You have chosen and the house which I have built for Your name,
35 d e markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.
then hear from heaven their prayer and their supplication, and maintain their cause.
36 H addii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee,
“When they sin against You ( for there is no man who does not sin) and You are angry with them and deliver them to an enemy, so that they take them away captive to a land far off or near,
37 o o weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,
if they take thought in the land where they are taken captive, and repent and make supplication to You in the land of their captivity, saying, ‘We have sinned, we have committed iniquity and have acted wickedly’;
38 o o hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
if they return to You with all their heart and with all their soul in the land of their captivity, where they have been taken captive, and pray toward their land which You have given to their fathers and the city which You have chosen, and toward the house which I have built for Your name,
39 d e markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.
then hear from heaven, from Your dwelling place, their prayer and supplications, and maintain their cause and forgive Your people who have sinned against You.
40 H addaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.
“Now, O my God, I pray, let Your eyes be open and Your ears attentive to the prayer offered in this place.
41 H addaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.
“ Now therefore arise, O Lord God, to Your resting place, You and the ark of Your might; let Your priests, O Lord God, be clothed with salvation and let Your godly ones rejoice in what is good.
42 R abbiyow, Ilaahow, ha iga jeesan anoo ah kan aad subkatay, oo bal xusuuso raxmaddii aad u samaysay addoonkaagii Daa'uud.
“O Lord God, do not turn away the face of Your anointed; remember Your lovingkindness to Your servant David.”