Xaakinnada 5 ~ Judges 5

picture

1 D eedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,

Then Deborah and Barak the son of Abinoam sang on that day, saying,

2 M adaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay, Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen, Taas aawadeed Rabbiga ammaana.

“ That the leaders led in Israel, That the people volunteered, Bless the Lord!

3 B al maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

“Hear, O kings; give ear, O rulers! I—to the Lord, I will sing, I will sing praise to the Lord, the God of Israel.

4 R abbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen.

“ Lord, when You went out from Seir, When You marched from the field of Edom, The earth quaked, the heavens also dripped, Even the clouds dripped water.

5 B uurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.

“ The mountains quaked at the presence of the Lord, This Sinai, at the presence of the Lord, the God of Israel.

6 W akhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.

“In the days of Shamgar the son of Anath, In the days of Jael, the highways were deserted, And travelers went by roundabout ways.

7 T aliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.

“The peasantry ceased, they ceased in Israel, Until I, Deborah, arose, Until I arose, a mother in Israel.

8 W axay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?

“ New gods were chosen; Then war was in the gates. Not a shield or a spear was seen Among forty thousand in Israel.

9 Q albigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.

“My heart goes out to the commanders of Israel, The volunteers among the people; Bless the Lord!

10 B al taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.

“ You who ride on white donkeys, You who sit on rich carpets, And you who travel on the road— sing!

11 M eelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.

“At the sound of those who divide flocks among the watering places, There they shall recount the righteous deeds of the Lord, The righteous deeds for His peasantry in Israel. Then the people of the Lord went down to the gates.

12 T oos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.

“ Awake, awake, Deborah; Awake, awake, sing a song! Arise, Barak, and take away your captives, O son of Abinoam.

13 M arkaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.

“Then survivors came down to the nobles; The people of the Lord came down to me as warriors.

14 R eer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq; Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira, Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal, Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.

“From Ephraim those whose root is in Amalek came down, Following you, Benjamin, with your peoples; From Machir commanders came down, And from Zebulun those who wield the staff of office.

15 O o amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.

“And the princes of Issachar were with Deborah; As was Issachar, so was Barak; Into the valley they rushed at his heels; Among the divisions of Reuben There were great resolves of heart.

16 M axaad xeryaha idaha u fadhiday, Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya? Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Aad baa qalbiyo loogu baadhay.

“Why did you sit among the sheepfolds, To hear the piping for the flocks? Among the divisions of Reuben There were great searchings of heart.

17 G ilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.

“ Gilead remained across the Jordan; And why did Dan stay in ships? Asher sat at the seashore, And remained by its landings.

18 R eer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.

“ Zebulun was a people who despised their lives even to death, And Naphtali also, on the high places of the field.

19 B oqorradii waa yimaadeen oo dirireen, Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo: Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.

“ The kings came and fought; Then fought the kings of Canaan At Taanach near the waters of Megiddo; They took no plunder in silver.

20 W axay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.

“ The stars fought from heaven, From their courses they fought against Sisera.

21 O o waxaa qaaday Webi Qiishoon, Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo. Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.

“The torrent of Kishon swept them away, The ancient torrent, the torrent Kishon. O my soul, march on with strength.

22 M arkaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen, Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.

“ Then the horses’ hoofs beat From the dashing, the dashing of his valiant steeds.

23 O o malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.

‘Curse Meroz,’ said the angel of the Lord, ‘Utterly curse its inhabitants; Because they did not come to the help of the Lord, To the help of the Lord against the warriors.’

24 W axaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.

“ Most blessed of women is Jael, The wife of Heber the Kenite; Most blessed is she of women in the tent.

25 B iyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.

“He asked for water and she gave him milk; In a magnificent bowl she brought him curds.

26 O o waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.

“She reached out her hand for the tent peg, And her right hand for the workmen’s hammer. Then she struck Sisera, she smashed his head; And she shattered and pierced his temple.

27 O o cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.

“Between her feet he bowed, he fell, he lay; Between her feet he bowed, he fell; Where he bowed, there he fell dead.

28 S iiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?

“Out of the window she looked and lamented, The mother of Sisera through the lattice, ‘Why does his chariot delay in coming? Why do the hoofbeats of his chariots tarry?’

29 D umarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen, Oo iyana way isu jawaabtay.

“Her wise princesses would answer her, Indeed she repeats her words to herself,

30 O o waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan? Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood; Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan?

‘ Are they not finding, are they not dividing the spoil? A maiden, two maidens for every warrior; To Sisera a spoil of dyed work, A spoil of dyed work embroidered, Dyed work of double embroidery on the neck of the spoiler?’

31 R abbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.

“ Thus let all Your enemies perish, O Lord; But let those who love Him be like the rising of the sun in its might.” And the land was undisturbed for forty years.