Taariikhdii Labaad 27 ~ 2 Chronicles 27

picture

1 Y ootamna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

Jotham was twenty-five years old when he became king, and he reigned sixteen years in Jerusalem. And his mother’s name was Jerushah the daughter of Zadok.

2 O o isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale. Habase yeeshee ma uu gelin macbudkii Rabbiga, oo dadkiina weliba way sii xumaadeen.

He did right in the sight of the Lord, according to all that his father Uzziah had done; however he did not enter the temple of the Lord. But the people continued acting corruptly.

3 O o isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo guriga Rabbiga, oo derbigii Cofel dushiisana wax badan buu ka dhisay.

He built the upper gate of the house of the Lord, and he built extensively the wall of Ophel.

4 O o haddana wuxuu magaalooyin ka dhisay dalka Yahuudah oo buuraha leh, oo kaynta dhexdeedana wuxuu ka dhisay qalcado iyo munaarado.

Moreover, he built cities in the hill country of Judah, and he built fortresses and towers on the wooded hills.

5 O o weliba wuxuu la diriray oo ka adkaaday boqorkii reer Cammoon. Oo reer Cammoonna isla sannaddaasba waxay isagii siiyeen boqol talanti oo lacag ah, iyo toban kun oo kor oo sarreen ah, iyo toban kun oo kor oo shaciir ah. Oo reer Cammoon intaas ayay siiyeen sannaddii labaad iyo sannaddii saddexaadba.

He fought also with the king of the Ammonites and prevailed over them so that the Ammonites gave him during that year one hundred talents of silver, ten thousand kors of wheat and ten thousand of barley. The Ammonites also paid him this amount in the second and in the third year.

6 O o sidaasuu Yootam u xoogaystay, maxaa yeelay, jidadkiisa ayuu ku hor toosiyey Rabbiga Ilaahiisa ah.

So Jotham became mighty because he ordered his ways before the Lord his God.

7 H addaba Yootam falimihiisii kale iyo dagaalladiisii oo dhan iyo jidadkiisii oo dhammu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

Now the rest of the acts of Jotham, even all his wars and his acts, behold, they are written in the Book of the Kings of Israel and Judah.

8 M arkuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

He was twenty-five years old when he became king, and he reigned sixteen years in Jerusalem.

9 M arkaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

And Jotham slept with his fathers, and they buried him in the city of David; and Ahaz his son became king in his place.