1 K olkii Saa'uul ka soo noqday kuwii reer Falastiin oo uu raacdaysanayay ayaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Daa'uud cidlada Ceyn Gedii buu joogaa.
Now when Saul returned from pursuing the Philistines, he was told, saying, “Behold, David is in the wilderness of Engedi.”
2 M arkaasaa Saa'uul reer binu Israa'iil oo dhan kala baxay saddex kun oo nin oo la doortay, oo wuxuu Daa'uud iyo raggiisii ka xulayay dhagaxyadii ay riyodibadeedku joogeen.
Then Saul took three thousand chosen men from all Israel and went to seek David and his men in front of the Rocks of the Wild Goats.
3 M arkaasuu wuxuu yimid xeryihii idaha oo jidka ku ag yiil, oo halkaasna waxaa ku tiil bohol; markaasaa Saa'uul halkaas u galay inuu cagihiisa qariyo aawadeed. Haddaba Daa'uud iyo raggiisiiba waxay ku jireen bohosha meelaha ugu sii hooseeya.
He came to the sheepfolds on the way, where there was a cave; and Saul went in to relieve himself. Now David and his men were sitting in the inner recesses of the cave.
4 O o Daa'uudna raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, maanta waa maalintii Rabbigu kugu yidhi, Cadowgaaga gacantaadaan ku soo ridi doonaa, oo waxaad ku samayn doontaa wixii kula wanaagsan. Markaasaa Daa'uud kacay, oo hoos ahaan ayuu aayar u gooyay Saa'uul darafkii khamiiskiisa.
The men of David said to him, “Behold, this is the day of which the Lord said to you, ‘Behold; I am about to give your enemy into your hand, and you shall do to him as it seems good to you.’” Then David arose and cut off the edge of Saul’s robe secretly.
5 O o waxay hadhow noqotay in Daa'uud qalbigiisii naxdini ku dhacday, maxaa yeelay, wuxuu gooyay darafkii khamiiskii Saa'uul.
It came about afterward that David’s conscience bothered him because he had cut off the edge of Saul’s robe.
6 M arkaasuu wuxuu raggiisii ku yidhi, Rabbigu ha iga fogeeyo inaan waxan ku sameeyo sayidkayga kaasoo ah Rabbiga kiisa subkan, iyo inaan isaga gacanta u qaada, maxaa yeelay, wuxuu yahay Rabbiga kiisa subkan.
So he said to his men, “ Far be it from me because of the Lord that I should do this thing to my lord, the Lord’s anointed, to stretch out my hand against him, since he is the Lord’s anointed.”
7 S idaasaa Daa'uud raggiisii ugu diiday erayadaas, oo umana uu oggolaan inay Saa'uul ku kacaan. Markaasaa Saa'uul ka soo baxay bohoshii, oo iska tegey.
David persuaded his men with these words and did not allow them to rise up against Saul. And Saul arose, left the cave, and went on his way.
8 O o Daa'uudna mar dambuu kacay oo bohoshii ka soo baxay, oo wuxuu ka daba qayliyey Saa'uul, oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow. Oo Saa'uulna markuu dib dhugtay ayaa Daa'uud wejiga dhulka saaray, wuuna sujuuday.
Now afterward David arose and went out of the cave and called after Saul, saying, “My lord the king!” And when Saul looked behind him, David bowed with his face to the ground and prostrated himself.
9 O o Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?
David said to Saul, “Why do you listen to the words of men, saying, ‘Behold, David seeks to harm you’?
10 B al eeg, maanta indhahaagu way arkeen sida Rabbigu iigu soo kaa gacangeliyey annagoo godka ku jirna, oo qaarna, Dil, bay igu yidhaahdeen, laakiinse waan kuu naxay; oo waxaan idhi, Anigu sayidkayga gacanta u qaadi maayo, maxaa yeelay, isagu waa Rabbiga kiisa subkan.
Behold, this day your eyes have seen that the Lord had given you today into my hand in the cave, and some said to kill you, but my eye had pity on you; and I said, ‘I will not stretch out my hand against my lord, for he is the Lord’s anointed.’
11 B al eeg, aabbow, bal eeg haddana darafkii khamiiskaaga oo gacantayda ku jira, waayo, waxaan gooyay darafkii khamiiskaaga, kumana diline, haddaba ogow inayan gacantayda ku jirin shar iyo xadgudub toona, oo anna kuguma aanan dembaabin, in kastoo aad naftayda u gaadaysid inaad iga qaaddid.
Now, my father, see! Indeed, see the edge of your robe in my hand! For in that I cut off the edge of your robe and did not kill you, know and perceive that there is no evil or rebellion in my hands, and I have not sinned against you, though you are lying in wait for my life to take it.
12 R abbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso.
May the Lord judge between you and me, and may the Lord avenge me on you; but my hand shall not be against you.
13 S ida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.
As the proverb of the ancients says, ‘ Out of the wicked comes forth wickedness’; but my hand shall not be against you.
14 B al boqorkii reer binu Israa'iilow, yaad ka soo daba baxaysaa? Oo bal yaad eryanaysaa? Ma eey bakhti ah, mase tagfi?
After whom has the king of Israel come out? Whom are you pursuing? A dead dog, a single flea?
15 H addaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.
The Lord therefore be judge and decide between you and me; and may He see and plead my cause and deliver me from your hand.”
16 M arkii Daa'uud hadalkaas Saa'uul u dhammeeyey ayaa Saa'uulna wuxuu yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Saa'uulna codkiisii kor buu u qaaday oo ooyay.
When David had finished speaking these words to Saul, Saul said, “ Is this your voice, my son David?” Then Saul lifted up his voice and wept.
17 K olkaasuu Daa'uud ku yidhi, Aad baad iiga qumman tahay, waayo, wanaag baad ii fashay, anse xumaan baan kuugu beddelay.
He said to David, “You are more righteous than I; for you have dealt well with me, while I have dealt wickedly with you.
18 O o adna maanta waxaad caddaysay sidii aad si wanaagsan iigula macaamilootay, waayo, markii Rabbigu gacantaada igu soo riday ima aadan dilin.
You have declared today that you have done good to me, that the Lord delivered me into your hand and yet you did not kill me.
19 W aayo, haddii nin cadowgiisa helo miyuu wanaag ku sii dayn lahaa? Sidaas daraaddeed tan aad maanta ii samaysay aawadeed Rabbigu wanaag ha kuugu abaalgudo.
For if a man finds his enemy, will he let him go away safely? May the Lord therefore reward you with good in return for what you have done to me this day.
20 O o hadda bal eeg, hubaal waan ogahay inaad boqor noqonaysid, iyo in boqortooyada reer binu Israa'iil gacantaada ku dhismi doonto.
Now, behold, I know that you will surely be king, and that the kingdom of Israel will be established in your hand.
21 H addaba bal Rabbiga iigu dhaaro, inaadan gooynayn farcankayga iga dambeeya, iyo inaadan magacayga reer aabbahay ka dhex baabbi'inayn.
So now swear to me by the Lord that you will not cut off my descendants after me and that you will not destroy my name from my father’s household.”
22 M arkaasaa Daa'uud u dhaartay Saa'uul. Oo Saa'uulna gurigiisii buu tegey, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay galeen dhufayskii.
David swore to Saul. And Saul went to his home, but David and his men went up to the stronghold.