1 Н арод страны взял сына Иосии Иоахаза и сделал его царем в Иерусалиме вместо его отца. Иоахаз – царь Иудеи (4 Цар. 23: 31-35)
Markaasaa dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo waxay meeshii aabbihiis boqor ugaga dhigeen Yeruusaalem. Yoo'aaxaas, Boqorkii Yahuudah
2 И оахазу было двадцать три года, когда он стал царем, и правил он в Иерусалиме три месяца.
Oo Yoo'aaxaasna markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa.
3 Ц арь Египта низложил его в Иерусалиме и обложил Иудею данью в сто талантов серебра и один талант золота.
Markaasaa boqorkii Masar Yeruusaalem kaga dejiyey carshigiisii, oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.
4 Ц арь Египта сделал царем Иудеи и Иерусалима брата Иоахаза Элиакима и поменял имя Элиакима на Иоаким. А его брата, Иоахаза, Нехо увел в Египет. Иоаким – царь Иудеи (4 Цар. 23: 36 – 24: 6)
Kolkaasaa boqorkii Masar wuxuu dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalemba boqor uga dhigay walaalkiis Elyaaqiim, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim. Oo walaalkiis Yoo'aaxaasna Nekoo wuxuu u kaxaystay dalkii Masar. Yehooyaaqiim, Boqorkii Yahuudah
5 И оакиму было двадцать пять лет, когда он стал царем, и правил он в Иерусалиме одиннадцать лет. Он делал зло в глазах Господа, своего Бога.
Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood, oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.
6 Н авуходоносор, царь Вавилона, напал на него, заковал его в бронзовые кандалы и увел в Вавилон.
Oo waxaa isagii ku soo kacay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, silsilado buuna ku xidhay oo Baabuloon u kaxaystay.
7 Е ще Навуходоносор забрал в Вавилон часть утвари из дома Господа и положил ее там в своем храме.
Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.
8 П рочие события правления Иоакима, мерзости, которые он делал, и все, в чем он был виноват, записаны в «Книге царей Израиля и Иудеи». Иехония, его сын, стал царем вместо него. Иехония – царь Иудеи (4 Цар. 24: 8-17)
Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale, iyo karaahiyadiisii uu sameeyey, iyo wixii isaga laga helayba, bal eeg, dhammaantood waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin. Yehooyaakiin, Boqorkii Yahuudah
9 И ехонии было восемнадцать лет, когда он стал царем, и правил он в Иерусалиме три месяца и десять дней. Он делал зло в глазах Господа.
Oo Yehooyaakiinna markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ku ahaa saddex bilood iyo toban maalmood, oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.
10 В есной царь Навуходоносор послал за ним, и его доставили в Вавилон, а заодно забрали дорогую утварь из дома Господа. А царем Иудеи и Иерусалима вместо него он сделал дядю Иехонии Цедекию. Цедекия – царь Иудеи (4 Цар. 24: 18-20; Иер. 52: 1-3)
Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem. Sidqiyaah, Boqorkii Yahuudah
11 Ц едекии был двадцать один год, когда он стал царем, и правил он в Иерусалиме одиннадцать лет.
Oo Sidqiyaahna markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood.
12 О н делал зло в глазах Господа, своего Бога, и не смирил себя перед пророком Иеремией, который возвещал слово Господа.
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa shar ku ah, oo iskuma uu hoosaysiin Nebi Yeremyaah oo afka Rabbiga ku hadlayay hortiisa.
13 Е ще он восстал против царя Навуходоносора, который взял с него клятву Божьим Именем. Он стал таким упрямым и своевольным, что не обращался к Господу, Богу Израиля.
Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
14 Д а и все вожди священников и народ все больше и больше уклонялись от верности, следуя отвратительным обычаям народов и оскверняя Господень дом, который Он освятил в Иерусалиме. Падение Иерусалима (4 Цар. 25: 1-21; Иер. 39: 1-10; 52: 4-27)
Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay. Dumistii Yeruusaalem
15 Г осподь, Бог их отцов, снова и снова предупреждал их через своих посланников, потому что жалел Свой народ и Свое жилище.
Oo Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood goor wanaagsan ayuu iyagii u soo diray wargeeyayaashiisii, maxaa yeelay, dadkiisa iyo meesha rugtiisa ah ayuu u naxay.
16 Н о они издевались над Божьими посланниками, презирали Его слова и глумились над Его пророками, пока гнев Господа не вспыхнул на Его народ так, что уже не было ему спасения.
Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
17 О н навел на них царя халдеев, который перебил их юношей мечом в святилище и не пожалел ни юноши, ни девушки, ни старца, ни пожилого. Бог отдал их всех во власть Навуходоносора.
Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.
18 О н унес в Вавилон все вещи из Божьего дома, и большие, и маленькие, вместе с сокровищами дома Господа и сокровищами царя и его приближенных.
Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.
19 Б ожий дом был сожжен, а стены Иерусалима разрушены. Все его дворцы были сожжены, и все ценное в нем уничтожено.
Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.
20 Н авуходоносор угнал в плен в Вавилон всех, кто избежал меча, и они служили ему и его сыновьям, пока не набрало мощь Персидское царство.
Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris,
21 А страна наслаждалась субботним покоем. Она хранила субботу все время своего запустения, пока не исполнились семьдесят лет, предреченные словом Господним, которое возвестил пророк Иеремия. Кир позволяет пленникам вернуться (Ездр 1: 1-3)
si uu ku rumoobo Eraygii Rabbiga ee ka baxay afkii Yeremyaah, ilaa dalkii ku istareexay sabtiyadiisii, waayo, in alla intii uu baabba'sanaa ayuu sabti dhawrayay, si ay u dhammaadaan toddobaatan sannadood.
22 В первый год правления Кира, царя Персии, чтобы исполнилось Господне слово, которое возвестил Иеремия, Господь тронул сердце Кира, царя Персии, объявить по всему своему царству и записать такой указ:
In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay, oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi,
23 « Так говорит Кир, царь Персии: Господь, Бог небес, отдал мне все царства земли и поручил мне построить Ему дом в Иерусалиме, в Иудее. Всякий из вас, кто принадлежит к Его народу, – да будет с ним его Бог! – может отправляться в путь».
Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada, oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Rabbiga Ilaahiisa ahu ha la jiro oo isna ha tago.