Иезекииль 31 ~ Yexesqeel 31

picture

1 В одиннадцатом году, в первый день третьего месяца было ко мне слово Господа:

Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii saddexaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

2 Сын человеческий, скажи фараону, царю Египта, и его полчищам: – Кто сравнится с тобой величием?

Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar iyo dadkiisa badanba waxaad ku tidhaahdaa, Bal yaad weynaanta kala mid tahay?

3 П осмотри на Ассирию, этот ливанский кедр, с ветвями красивыми, с кроной тенистой. Был он высоким – в облака уходила его вершина.

Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.

4 П итала его вода, подземные источники растили; текли их потоки вокруг того места, где он рос, ручьи посылая ко всем деревьям лесным.

Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan.

5 И вырос он выше всех деревьев в лесу; ветви его разрослись, и длинными были ветки, от обилия вод в побегах.

Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood.

6 В се птицы небесные в ветвях его гнездились. Все дикие звери под ветками его плодились. Все великие народы жили в его тени.

Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen.

7 О н красовался величием, длиною ветвей, так как корни его спускались к обильным водам.

Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.

8 К едры из Божьего сада не могли с ним соперничать. Не равнялись с ним ветвями сосны, или побегами – чинары: ни одно из деревьев Божьего сада не могло сравниться с ним красой.

Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn.

9 Я сделал его прекрасным, с ветвями густыми, на зависть эдемским деревьям, которые в Божьем саду.

Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.

10 П оэтому так говорит Владыка Господь: – Так как он был высоким, вознося вершину к облакам, и возгордился высотой,

Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,

11 Я отдал его в распоряжение властелина народов, который поступил с ним так, как заслуживало его беззаконие. Я отверг его.

sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.

12 Ч ужеземцы, жесточайшие из народов, срубили его и оставили. Его ветви упали на горы и долины; его ветки рухнули сломанными в ущелья земли. Все народы земли вышли из-под его тени и оставили его.

Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.

13 В се небесные птицы разместились на мертвом стволе; все дикие звери расселились среди его веток.

Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan.

14 В се это было для того, чтобы другие деревья у воды впредь не поднимались так высоко и не возносили вершину к облакам; чтобы другие деревья, которые пьют воду, не достигали такой высоты. Всем им суждена смерть, нижний мир, – вместе со смертными, с теми, кто спускается в пропасть.

Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.

15 Т ак говорит Владыка Господь: – В день, когда он сошел в мир мертвых, Я затворил подземные источники ради него; Я обуздал их потоки, и бурные воды укротились. Ради него Я покрыл Ливан мраком, и поникли лесные деревья.

Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu She'ool galay waxaan ka dhigay in loo baroorto. Oo moolkii baan aawadiis u daboolay, oo webiyaashiisiina waan celiyey, oo biyihii badnaana waa la joojiyey, oo dadka Lubnaanna waxaan ka dhigay inay isaga u baroortaan, oo dhirtii duurka oo dhammuna isaga aawadiis bay u taag darnaadeen.

16 Я заставил народы дрожать от звука его падения, когда Я поверг его в мир мертвых с теми, кто спускается в пропасть. И утешились в мире мертвых деревья Эдема, благороднейшие и лучшие с Ливана, деревья, которые обильно поливались.

Oo markaan isaga She'ool kula dhex tuuray kuwa yamayska ku dhaadhaca waxaan ka dhigay inay quruumuhu sanqadha dhiciddiisa la wada gariiraan, oo geedaha Ceeden ku yaal oo dhan, oo ah kuwa la doortay oo dhirta Lubnaan ugu wada fiican, kuwaasoo ah inta biyaha cabta oo dhanba, dhulka meelaha ugu hooseeya ayaa loogu wada tacsiyeeyey.

17 Т е, кто жил в его тени, его союзники среди народов, сошли в мир мертвых вместе с ним, соединившись с павшими от меча.

Oo iyagiina She'ool bay kula dhaadheceen isagii, oo waxay u wada tageen kuwii seefta lagu laayay. Iyagu gacantiisay ahaayeen oo hooskiisay quruumaha dhexdooda ku degganaan jireen.

18 К акое из эдемских деревьев могло сравниться с тобой славой и величием? Но и тебя вслед за эдемскими деревьями сведут в мир мертвых; ты будешь лежать среди необрезанных, рядом с теми, кто пал от меча. Это о фараоне и его полчищах», – возвещает Владыка Господь.

Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.