4-я Царств 15 ~ Boqorradii Labaad 15

picture

1 Н а двадцать седьмом году правления Иеровоама, царя Израиля, в Иудее начал царствовать Азария, сын Амасии.

Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

2 Е му было шестнадцать лет, когда он стал царем, и правил он в Иерусалиме пятьдесят два года. Его мать звали Иехолия, она была родом из Иерусалима.

Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

3 О н делал то, что было правильным в глазах Господа, как и его отец Амасия.

Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

4 Л ишь святилища на возвышенностях не были еще уничтожены. Народ продолжал приносить там жертвы и возжигать благовония.

Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.

5 Г осподь поразил царя проказой до самой его смерти, и он жил в отдельном доме. Иотам, сын царя, распоряжался во дворце и управлял народом страны.

Oo boqorkiina Rabbigaa wax ku dhuftay, haddaba tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo guri gaar ah buu degay. Oo Yootam oo ahaa ina boqor ayaa reerka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.

6 П рочие события правления Азарии и всего, что он сделал, то разве не записаны они в «Книге летописей царей Иудеи»?

Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

7 А зария упокоился со своими предками и был похоронен рядом с ними в Городе Давида, а Иотам, его сын, стал царем вместо него. Захария − царь Израиля

Markaasaa Casaryaah dhintay oo la seexday awowayaashiis; oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yootam. Sekaryaah, Boqorkii Israa'iil

8 Н а тридцать восьмом году правления Азарии, царя Иудеи, царем Израиля стал Захария, сын Иеровоама, и правил в Самарии шесть месяцев.

Oo Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Sekaryaah ina Yaaraabcaam dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa intii lix bilood ah.

9 О н делал зло в глазах Господа, подобно своим отцам. Он не отвернулся от грехов Иеровоама, сына Навата, к которым тот склонил Израиль.

Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.

10 Ш аллум, сын Иавеша, составил заговор против Захарии. Он поразил его на виду у всего народа, убил и стал царем вместо него.

Oo waxaa isagii shirqoolay Shalluum ina Yaabeesh, oo wax buu ku dhuftay dadka hortiisii, wuuna dilay, markaasuu meeshiisiina boqor ka noqday.

11 П рочие события правления Захарии записаны в «Книге летописей царей Израиля».

Haddaba Sekaryaah falimihiisii kale waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

12 Т ак исполнилось слово Господа, которое Он сказал Ииую: «Твои потомки будут сидеть на престоле Израиля до четвертого поколения». Шаллум − царь Израиля

Kanu wuxuu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Yeehuu, ee uu ku yidhi, Farcankaaga qarniga afraad ah ayaa ku fadhiisan doona carshiga dalka Israa'iil. Oo saasay noqotay. Shalluum, Boqorkii Israa'iil

13 Ш аллум, сын Иавеша, стал царем на тридцать девятом году правления Уззии, царя Иудеи, и правил в Самарии один месяц.

Oo Shalluum ina Yaabeesh wuxuu boqor noqday Cusiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad, oo muddo bil ah ayuu Samaariya boqor ku ahaa.

14 И з Тирцы в Самарию пришел Менахем, сын Гадия. Он поразил Шаллума, сына Иавеша, в Самарии, убил его и стал царем вместо него.

Markaasaa Menaxeem ina Gaadii ayaa ka kacay Tirsaah, oo wuxuu tegey Samaariya, markaasuu Shalluum ina Yaabeesh ku dilay Samaariya oo meeshiisii boqor ka noqday.

15 П рочие события правления Шаллума и заговор, который он составил, записаны в «Книге летописей царей Израиля».

Haddaba Shalluum falimihiisii kale iyo shirqoolkii uu sameeyeyba waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

16 В то время Менахем, выступив из Тирцы, напал на Тифсах со всеми, кто был в городе и в его окрестностях, потому что они отказались открыть ворота. Он разграбил Типсах и порубил всех беременных женщин. Менахем − царь Израиля

Haddaba Menaxeem wuu wada laayay Tifsax iyo wixii ku jiray oo dhan, iyo soohdimaheedii marka Tirsaah laga bilaabo, maxaa yeelay, way ka furi waayeen, sidaas daraaddeed buuna u laayay; oo naagihii uurka lahaa oo magaalada ku jiray oo dhan wuu wada dooxay. Menaxeem, Boqorkii Israa'iil

17 Н а тридцать девятом году правления Азарии, царя Иудеи, царем Израиля стал Менахем, сын Гадия, и правил в Самарии десять лет.

Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad ayaa Menaxeem ina Gaadii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo Samaariya ayuu toban sannadood boqor ku ahaa.

18 О н делал зло в глазах Господа. Во все дни правления он не отворачивался от грехов Иеровоама, сына Навата, к которым тот склонил Израиль.

Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah; oo isagu wakhtigiisii oo dhan kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

19 В то время в страну вторгся Пул, царь Ассирии, и Менахем дал ему тысячу талантов серебра, чтобы тот помог ему укрепить власть над царством.

Markaasaa waxaa waddankii ku kacay Fuul oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Menaxeem ayaa Fuul kun talanti oo lacag ah siiyey inuu gacan ku siiyo si ay boqortooyadu ugu xoogaysato.

20 М енахем взыскал эти деньги с Израиля. Каждый богатый человек был обязан внести пятьдесят шекелей серебра, чтобы отдать их царю Ассирии. Тогда царь Ассирии вернулся назад и не остался в стране.

Oo Menaxeem wuxuu lacagtii saaray dadkii taajiriinta ahaa oo dalka Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku amray in nin waluba konton sheqel oo lacag ah bixiyo si loo siiyo boqorka Ashuur, sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur dib buu u noqday oo dalkiina siima uu joogin.

21 Ч то же до прочих событий правления Менахема и всего, что он сделал, то разве не записаны они в «Книге летописей царей Израиля»?

Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

22 М енахем упокоился со своими предками. Пекахия, его сын, стал царем вместо него. Пекахия − царь Израиля

Markaasaa Menaxeem dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Fiqaxyaah. Fiqaxyaah, Boqorkii Israa'iil

23 Н а пятидесятом году правления Азарии, царя Иудеи, царем Израиля стал Пекахия, сын Менахема, и правил в Самарии два года.

Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kontonaad ayaa Fiqaxyaah ina Menaxeem dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.

24 П екахия делал зло в глазах Господа. Он не отвернулся от грехов Иеровоама, сына Навата, к которым тот склонил Израиль.

Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

25 Е го сановник Пеках, сын Ремалии, составил против него заговор. Взяв с собой пятьдесят человек галаадитян, он напал на Пекахию, вместе с Арговом и Арием, в крепости царского дворца в Самарии. Пеках убил Пекахию и стал царем вместо него.

Oo waxaa isagii shirqoolay sirkaalkiisii Feqax ina Remalyaah ahaa oo wuxuu isagii qalcaddii guriga boqorka kula dilay Argob iyo Aryaah; oo waxaa isaga la jiray konton nin oo reer Gilecaad ah; oo markuu isagii dilay ayuu meeshiisii boqor ka noqday.

26 П рочие события правления Пекахии и все, что он сделал, записано в «Книге летописей царей Израиля». Пеках − царь Израиля

Haddaba Fiqaxyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil. Feqax, Boqorkii Israa'iil

27 Н а пятьдесят втором году правления Азарии, царя Иудеи, царем Израиля стал Пеках, сын Ремалии, и правил в Самарии двадцать лет.

Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo kontonaad ayaa Feqax ina Remalyaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa labaatan sannadood.

28 О н делал зло в глазах Господа. Он не отвернулся от грехов Иеровоама, сына Навата, к которым тот склонил Израиль.

Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

29 В дни Пекаха, царя Израиля, царь Ассирии Тиглатпаласар пришел и взял города Ион, Авел-Бет-Мааху, Ианох, Кедеш, Хацор, области Галаад, Галилею, всю землю Неффалима и увел народ в плен в Ассирию.

Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay.

30 О сия, сын Илы, составил против Пекаха, сына Ремалии, заговор. Он напал на него, убил и стал царем вместо него на двадцатом году правления Иотама, сына Уззии.

Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.

31 Ч то же до прочих событий правления Пекаха и всего, что он сделал, то разве не записаны они в «Книге летописей царей Израиля»? Иотам − царь Иудеи (2 Пар. 27: 1-9)

Haddaba Feqax falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil. Yootam, Boqorkii Yahuudah

32 Н а втором году правления израильского царя Пекаха, сына Ремалии, в Иудее начал царствовать Иотам, сын Уззии.

Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.

33 Е му было двадцать пять лет, когда он стал царем, и правил он в Иерусалиме шестнадцать лет. Его мать звали Иеруша, она была дочерью Цадока.

Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

34 О н делал то, что было правильным в глазах Господа, как и его отец Уззия.

Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale.

35 Л ишь святилища на возвышенностях не были уничтожены, народ продолжал приносить там жертвы и возжигать благовония. Иотам перестроил Верхние ворота Господнего дома.

Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna bay ku shidi jireen meelihii sarsare. Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo gurigii Rabbiga.

36 Ч то же до прочих событий правления Иотама и того, что он сделал, то разве не записаны они в «Книге летописей царей Иудеи»?

Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

37 ( В те дни Господь начал посылать против Иудеи Рецина, царя Арама, и Пекаха, сына Ремалии.)

Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah.

38 И отам упокоился со своими предками и был похоронен с ними в городе Давида, своего предка. А Ахаз, его сын, стал царем вместо него.

Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.