Yeremyaah 36 ~ Jeremias 36

picture

1 B oqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii afraad ayaa erayganu Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

Sucedeu pois no ano quarto de Jeoiaquim, filho de Josias, rei de Judá, que da parte do Senhor veio esta palavra a Jeremias, dizendo:

2 K itaab duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii aan wakhtigii Yoosiyaah iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh kugula hadlay oo dhan, kuwaas oo ka gees ahaa dalka Israa'iil, iyo dalka Yahuudah, iyo quruumaha oo dhan.

Toma o rolo dum livro, e escreve nele todas as palavras que te hei falado contra Israel, contra Judá e contra todas as nações, desde o dia em que eu te falei, desde os dias de Josias até o dia de hoje.

3 W axaa suurtowda inay dadka Yahuudah maqli doonaan masiibadii aan ula qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo oo dhan, si ninkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah uga soo noqdo, si aan xumaantooda iyo dembigoodaba uga cafiyo.

Ouvirão talvez os da casa de Judá todo o mal que eu intento fazer-lhes; para que cada qual se converta do seu mau caminho, a fim de que eu perdoe a sua iniqüidade e o seu pecado.

4 M arkaasaa Yeremyaah Baaruug ina Neeriiyaah u yeedhay, oo Baaruugna wuxuu afkii Yeremyaah erayadii Rabbigu isaga u sheegay oo dhan kaga qoray kitaab duudduuban.

Então Jeremias chamou a Baruque, filho de Nerias; e escreveu Baruque, no rolo dum livro, enquanto Jeremias lhas ditava, todas as palavras que o Senhor lhe havia falado.

5 M arkaasaa Yeremyaah amray Baaruug, oo wuxuu yidhi, Anigu waan xidhnahay, oo guriga Rabbiga ma aan tegi karo,

E Jeremias deu ordem a Banique, dizendo: Eu estou impedido; não posso entrar na casa do Senhor.

6 s idaas daraaddeed adigu tag, oo waxaad maalinta soonka dadka dhegihiisa ku akhridaa erayadii Rabbiga ee aad afkayga kitaabkii duudduubnaa kaga qortay, oo waxaad ku akhridaa guriga Rabbiga dhexdiisa, oo weliba waxaad kaloo dhegaha uga akhridaa dadka Yahuudah ee magaalooyinkooda ka yimid oo dhan.

Entra pois tu e, pelo rolo que escreveste enquanto eu ditava, lê as palavras do Senhor aos ouvidos do povo, na casa do Senhor, no dia de jejum; e também as lerás aos ouvidos de todo o Judá que vem das suas cidades.

7 W axaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.

Pode ser que caia a sua súplica diante do Senhor, e se converta cada um do seu mau caminho; pois grande é a ira e o furor que o Senhor tem manifestado contra este povo.

8 M arkaasaa Baaruug ina Neeriiyaah wada sameeyey sidii Yeremyaah ku amray oo dhan, oo wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Rabbiga isagoo gurigii Rabbiga dhex jooga.

E fez Baruque, filho de Nerias, conforme tudo quanto lhe havia ordenado Jeremias, o profeta, lendo no livro as palavras do Senhor na casa do Senhor.

9 B oqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii shanaad bisheedii sagaalaad waxaa dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan iyo dadkii Yeruusaalem uga yimid magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan loogu dhawaaqay inay Rabbiga hortiisa ku soomaan.

No quinto ano de Jeoiaquim, filho de Josias, rei de Judá, no mês nono, todo o povo em Jerusalém, como também todo o povo que vinha das cidades de Judá a Jerusalém, apregoaram um jejum diante do Senhor.

10 M arkaas Baaruug wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Yeremyaah gurigii Rabbiga gudihiisa Gemaryaah ina Shaafaan oo karraani ahaa qolladdiisii oo ku tiil barxadda sare, oo u dhowayd meesha iridda cusub ee guriga Rabbiga laga soo galo, oo wuxuu dhegaha u saaray dadkii oo dhan.

Leu, pois, Banique no livro as palavras de Jeremias, na casa do Senhor, na câmara de Gemarias, filho de Safã, o escriba, no átrio superior, ã entrada da porta nova da casa do Senhor, aos ouvidos de todo o povo.

11 M iikaayaah ina Gemaryaah oo ahaa ina Shaafaan markuu kitaabkii ka maqlay erayadii Rabbiga oo dhan

E, ouvindo Micaías, filho de Gemarias, filho de Safã, todas as palavras do Senhor, naquele livro,

12 a yuu hoos u degtay oo wuxuu galay gurigii boqorka iyo qolladdii karraaniga, oo bal eeg, amiirradii oo dhammu halkaasay wada fadhiyeen, oo waxay ahaayeen Eliishaamaac oo karraaniga ahaa, iyo Delaayaah ina Shemacyaah, iyo Elnaataan ina Cakboor, iyo Gemaryaah ina Shaafaan, iyo Sidqiyaah ina Xananyaah, iyo amiirradii oo dhan.

desceu ã casa do rei, ã câmara do escriba. E eis que todos os príncipes estavam ali assentados: Elisama, o escriba, e Delaías, filho de Semaías, e Elnatã, filho de Acbor, e Gemarias, filho de Safã, e Zedequias, filho de Hananias, e todos os outros príncipes.

13 M arkaas Miikaayaah wuxuu iyagii u sheegay erayadii uu maqlay oo dhan markii Baaruug uu kitaabka ku akhriyey dadka dhegihiisa.

E Micaías anunciou-lhes todas as palavras que ouvira, quando Baruque leu o livro aos ouvidos do povo.

14 S idaas daraaddeed amiirradii oo dhammu waxay Baaruug u soo direen Yehuudii ina Netanyaah oo ahaa ina Shelemyaah ina Kuushii, oo waxay ku yidhaahdeen, Kitaabkii duudduubnaa oo aad dadka dhegihiisa ku akhriday soo qaad oo noo kaalay. Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah gacanta ku soo qaaday kitaabkii duudduubnaa, oo iyagii u yimid.

Então todos os príncipes mandaram Jeúdi, filho de Netanias, filho Selemias, filho de Cuche, a Baruque, para lhe dizer: O rolo que leste aos ouvidos do povo, toma-o na tua mão, e vem. E Banique, filho de Nerias, tomou o rolo na sua mão, e foi ter com eles.

15 O o iyagiina waxay ku yidhaahdeen, Haddaba bal fadhiiso oo dhegahayaga ku akhri, oo markaasuu Baaruug kitaabkii dhegahoodii ku akhriyey.

E disseram-lhe: Assenta-te agora, e lê-o aos nossos ouvidos. E Baruque o leu aos ouvidos deles.

16 O o markay erayadii oo dhan maqleen ayay baqeen oo midkoodba kii kaluu fiiriyey, oo waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Sida xaqiiqada ah erayadan oo dhan boqorka waannu u sheegi doonnaa.

Ouvindo eles todas aquelas palavras, voltaram-se temerosos uns para os outros, e disseram a Banique: Sem dúvida alguma temos que anunciar ao rei todas estas palavras.

17 M arkaasay Baaruug weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Bal noo sheeg sidii aad erayadan oo dhan afkiisa uga qortay?

E disseram a Baruque: Declara-nos agora como escreveste todas estas palavras. Ele as ditava?

18 O o Baaruugna iyaguu u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Isagu erayadan oo dhan afkiisuu iiga sheegay, oo aniguna khad baan kitaabkii ku qoray.

E disse-lhes Baruque: Sim, da sua boca ele me ditava todas estas palavras, e eu com tinta as escrevia no livro.

19 M arkaas amiirradii waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Tag, oo adiga iyo Yeremyaahba dhuunta, oo yaan ciduna ogaan meeshaad joogtaan.

Então disseram os príncipes a Banique: Vai, esconde-te tu e Jeremias; e ninguém saiba onde estais.

20 M arkaasay boqorkii oo barxaddiisa jooga u galeen, kitaabkii duudduubnaase waxay dhigeen qolladdii Eliishaamaac oo karraanigii ahaa, oo erayadii oo dhanna boqorkay u sheegeen.

E foram ter com o rei ao átrio; mas depositaram o rolo na câmara de Elisama, o escriba, e anunciaram aos ouvidos do rei todas aquelas palavras.

21 M arkaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.

Então enviou o rei a Jeúdi para trazer o rolo; e Jeúdi tomou-o da câmara de Elisama, o escriba, e o leu aos ouvidos do rei e aos ouvidos de todos os príncipes que estavam em torno do rei.

22 H addaba waxay ahayd bishii sagaalaad, oo boqorkuna wuxuu fadhiyey gurigii qabowga laga geli jiray, oo hortiisana waxaa yiil dab girgire ku dhex ololaya.

Ora, era o nono mês e o rei estava assentado na casa de inverno, e diante dele estava um braseiro aceso.

23 O o haddaba markii Yehuudii saddex amase afar qaybood akhriyey ayaa boqorku mandiil ku gooyay, oo wuxuu ku dhex tuuray dabkii girgiraha ka baxayay, ilamaa kitaabkii duudduubnaa uu ku wada baabba'ay dabkii girgiraha ka baxayay.

E havendo Jeúdi lido três ou quatro colunas, o rei as cortava com o canivete do escrivão, e as lançava no fogo que havia no braseiro, até que todo o rolo se consumiu no fogo que estava sobre o braseiro.

24 O o boqorkii iyo addoommadiisii erayadaas oo dhan maqlay midkoodna ma cabsan, oo dharkoodiina ma ay jeexjeexin.

E não temeram, nem rasgaram os seus vestidos, nem o rei nem nenhum dos seus servos que ouviram todas aquelas palavras

25 I n kastoo ay Elnaataan iyo Delaayaah iyo Gemaryaah boqorkii ka baryeen inuusan kitaabka duudduuban gubin wuu maqli waayay.

e, posto que Elnatã, Delaías e Gema rias tivessem insistido com o rei que não queimasse o rolo, contudo ele não lhes deu ouvidos.

26 M arkaas boqorkii wuxuu Yeraxme'eel ina Hammeleg, iyo Seraayaah ina Casrii'eel, iyo Shelemyaah ina Cabdeel ku amray inay karraanigii Baaruug iyo Nebi Yeremyaahba soo qabtaan, laakiinse Rabbigaa qariyey.

Antes deu ordem o rei a Jerameel, filho do rei, e a Seraías, filho de Azriel, e a Selemias, filho de Abdeel, que prendessem a Baruque, o escrivão, e a Jeremias, o profeta; mas o Senhor os escondera.

27 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,

Depois que o rei queimara o rolo com as palavras que Banique escrevera da boca de Jeremias, veio a Jeremias a palavra do Senhor, dizendo:

28 H addana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay.

Toma ainda outro rolo, e escreve nele todas aquelas palavras que estavam no primeiro rolo, que Jeoiaquim, rei de Judá, queimou.

29 O o boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?

E a Jeoiaquim, rei de Judá, dirás: Assim diz o Senhor: Tu queimaste este rolo, dizendo: Por que escreveste nele anunciando: Certamente virá o rei da Babilônia, e destruirá esta terra e fará cessar nela homens e animais?,

30 S idaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay.

Portanto assim diz o Senhor acerca de Jeoiaquim, rei de Judá: Não terá quem se assente sobre o trono de Davi, e será lançado o seu cadáver ao calor de dia, e ã geada de noite.

31 O o isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

E castigá-lo-ei a ele, e a sua descendência e os seus servos, por causa da sua iniqüidade; e trarei sobre ele e sobre os moradores de Jerusalém, e sobre os homens de Judá, todo o mal que tenho pronunciado contra eles, e que não ouviram.

32 M arkaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.

Tomou, pois, Jeremias outro rolo, e o deu a Baruque, filho de Nerias, o escrivão, o qual escreveu nele, enquanto Jeremias ditava, todas as palavras do livro que Jeoiaquim, rei de Judá, tinha queimado no fogo; e ainda se lhes acrescentaram muitas palavras semelhantes.