1 K anu waa hadalkii Nexemyaah oo ahaa ina Xakalyaah. Hadda intaan joogay Shuushan oo ah hoygii boqorka, sannaddii labaatanaad bisheedii Kislee'u,
Palavras de Neemias, filho de Hacalias. Ora, sucedeu no mês de quisleu, no ano vigésimo, estando eu em Susã, a capital,
2 w axaa yimid Xanaanii oo walaalahayga midkood ahaa, isaga iyo niman kale oo dalka Yahuudah ka yimid; oo markaasaan weyddiiyey wax ku saabsan Yuhuuddii baxsatay, oo maxaabiistii ka hadhay, iyo wax ku saabsan Yeruusaalem.
que veio Hanâni, um de meus irmãos, com alguns de Judá; e perguntei-lhes pelos judeus que tinham escapado e que restaram do cativeiro, e acerca de Jerusalém.
3 O o iyana waxay igu yidhaahdeen, Kuwii maxaabiista ka hadhay oo gobolkii jira waxay ku jiraan dhibaato weyn iyo ceeb; oo derbigii Yeruusaalemna waa la dumiyey, oo irdaheediina dab baa lagu gubay.
Eles me responderam: Os restantes que ficaram do cativeiro, lá na província estão em grande aflição e opróbrio; também está derribado o muro de Jerusalém, e as suas portas queimadas a fogo.
4 O o markaan erayadaas maqlay ayaan meel fadhiistay oo ooyay, oo intii ayaamo ah ayaan baroortay; waanan soomay, oo waxaan ku tukaday Ilaaha samada hortiisa,
Tendo eu ouvido estas palavras, sentei-me e chorei, e lamentei por alguns dias; e continuei a jejuar e orar perante o Deus do céu,
5 o o idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,
e disse: Ó Senhor, Deus do céu, Deus grande e temível, que guardas o pacto e usas de misericórdia para com aqueles que te amam e guardam os teus mandamentos:
6 D hegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay.
Estejam atentos os teus ouvidos e abertos os teus olhos, para ouvires a oração do teu servo, que eu hoje faço perante ti, dia e noite, pelos filhos de Israel, teus servos, confessando eu os pecados dos filhos de Israel, que temos cometido contra ti; sim, eu e a casa de meu pai pecamos;
7 O o si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa.
na verdade temos procedido perversamente contra ti, e não temos guardado os mandamentos, nem os estatutos, nem os juízos, que ordenaste a teu servo Moisés.
8 W aan ku baryayaaye, bal xusuuso eraygii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa, oo aad ku tidhi, Haddaad xadgudubtaan, waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga,
Lembra-te, pois, da palavra que ordenaste a teu servo Moisés, dizendo: Se vós transgredirdes, eu vos espalharei por entre os povos;
9 l aakiinse haddaad ii soo noqotaan oo aad amarradayda xajisaan oo aad yeeshaan, in kastoo kuwiinna la tuuray ay joogaan meesha samada ugu fog, halkaasaan ka soo ururin doonaa, oo waxaan keeni doonaa meeshii aan u doortay inaan ka dhigo in magacaygu joogo.
mas se vos converterdes a mim, e guardardes os meus mandamentos e os cumprirdes, ainda que os vossos rejeitados estejam na extremidade do céu, de lá os ajuntarei e os trarei para o lugar que tenho escolhido para ali fazer habitar o meu nome.
10 H addaba kuwanu waa addoommadaada iyo dadkaaga aad ku soo furtay xooggaagii iyo gacantaadii xoogga badnayd.
Eles são os teus servos e o teu povo, que resgataste com o teu grande poder e com a tua mão poderosa.
11 S ayidow, waan ku baryayaaye, hadda dhegahaagu ha maqleen baryadayda anoo addoonkaaga ah, iyo baryada addoommadaada ku farxa inay ka cabsadaan magacaaga; waan ku baryayaaye, maanta i guulee, anoo addoonkaaga ah, oo ka dhig inaan ninkan hortiisa naxariis ka helo. (Anigu waxaan ahaa koobsidaha boqorka.)
Ó Senhor, que estejam atentos os teus ouvidos ã oração do teu servo, e ã oração dos teus servos que se deleitam em temer o teu nome; e faze prosperar hoje o teu servo, e dá-lhe graça perante este homem. (Era eu então copeiro do rei.)