Yexesqeel 21 ~ Ezequiel 21

picture

1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

Ainda veio a mim a palavra do Senhor, dizendo:

2 W iilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil.

Filho do homem, dirige o teu rosto para Jerusalém, e derrama as tuas palavras contra os santuários, e profetiza contra a terra de Israel.

3 O o waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.

E dize ã terra de Israel: Assim diz o Senhor: Eis que estou contra ti, e tirarei a minha espada da bainha, e exterminarei do meio de ti o justo e o ímpio.

4 S eeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba.

E, por isso que hei de exterminar do meio de ti o justo e o ímpio, a minha espada sairá da bainha contra toda a carne, desde o sul até o norte.

5 O o binu-aadmiga oo dhammuba waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan seeftaydii galkeedii ka soo bixiyey, oo mar dambena dib uma ay noqon doonto.

E saberá toda a carne que eu, o Senhor, tirei a minha espada da bainha nunca mais voltará a ela.

6 H addaba Wiilka Aadamow, taah. Qalbijab iyo si qadhaadh hortooda ugu taah.

Suspira, pois, ó filho do homem; suspira ã vista deles com quebrantamento dos teus lombos e com amargura.

7 O o markay kugu yidhaahdaan, War maxaad la taahaysaa? waxaad ugu jawaabtaa, Waxaan la taahayaa warka soo socda aawadiis. Qalbi kastaaba waa dhalaali doonaa, oo gacan kastaaba way taag gabi doontaa, oo naf kastaaba way qalbi jabi doontaa, oo qof kasta jilbihiisu sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, way soo socotaa, wayna ahaanaysaa.

E será que, quando eles te disserem: Por que suspiras tu dirás: por causa das novas, porque vêm; e todo coração desmaiará, e todas as mãos se enfraquecerão, e todo espírito se angustiará, e todos os joelhos se desfarão em águas; eis que vêm, e se realizarão, diz o Senhor Deus.

8 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

E veio a mim a palavra do Senhor, dizendo:

9 W iilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la afeeyey, oo weliba waa la safeeyey.

Filho do homem, profetiza, e dize: Assim diz o Senhor; dize: A espada, a espada está afiada e polida.

10 W axaa loo afeeyey inay aad wax u layso, oo waxaa loo safeeyey inay sida hillaac u dhalaasho. Haddaba miyaynu rayraynaa? Usha wiilkaygu waxay quudhsataa geed kasta.

Para matar está afiada, para reluzir está polida. Alegrar-nos-emos pois? A vara de meu filho é que despreza todo o madeiro.

11 O o seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya.

E foi dada a polir para ser manejada; esta espada está afiada e polida, para ser posta na mão do matador.

12 W iilka Aadamow, qayli oo barooro, waayo, waxay ku kor dhici doontaa dadkayga, oo waxay ku kor dhici doontaa amiirrada reer binu Israa'iil oo dhan. Iyaga iyo dadkaygaba seeftaa loo dhiibay. Haddaba sidaas aawadeed bowdadaada u dharbaax.

Grita e uiva, ó filho do homem, porque ela será contra o meu povo, contra todos os príncipes de Israel. Estes juntamente com o meu povo estão entregues ã espada; bate pois na tua coxa.

13 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa jira tijaabin, oo maxaa jiri doona xataa hadday usha wax quudhsata aanay mar dambe sii jiri doonin?

Porque se faz uma prova; e que será se não mais existir a vara desprezadora, diz o Senhor Deus.

14 H addaba sidaas daraaddeed, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo sacabbada isku dhufo. Seeftu saddex jeer ha dhacdo, taasoo ah seefta wax lagu laayo, oo kan weyn laysa oo gelaysa xataa qolladahooda.

Tu pois, ó filho do homem, profetiza, e bate com as mãos uma na outra; e dobre-se a espada até a terceira vez, a espada dos mortalmente feridos; é a espada para a grande matança, a que os rodeia.

15 S eefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed!

Para que se derreta o coração, e se multipliquem os tropeços, é que contra todas as suas portas pus a ponta da espada; ah! ela foi feita como relâmpago, e está aguçada para matar.

16 D adka ururi, xagga midigta u jeeso, dagaal isu diyaari, xagga bidixdana u jeeso, wejigaaga dhinac kasta u jeedi.

e espada, une as tuas forças, vira-te para a direita; prepara-te, vira-te para a esquerda, para onde quer que o teu rosto se dirigir.

17 A niguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

Também eu baterei com as minhas mãos uma na outra, e farei descansar a minha indignação; eu, o Senhor, o disse.

18 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

De novo veio a mim a palavra de Senhor, dizendo:

19 W eliba Wiilka Aadamow, waxaad taswiir ku tilmaantaa laba jid oo ay seefta boqorka Baabuloon ku iman karto, oo labadooduba waa inay isku dal ka soo baxaan. Meel ku calaamadee, oo waxaad u yeeshaa calaamad ku taal madaxa jidka magaalada soo gala.

Tu pois, ó filho do homem, propõe-te dois caminhos, por onde venha a espada do rei de Babilônia. Ambos procederão de uma mesma terra; e grava um marco, grava-o no princípio do caminho da cidade.

20 W axaad taswiirtaa jid ay seeftu ugu iman karto Rabbaahda reer Cammoon iyo Yeruusaalemta dhufayska leh oo dalka Yahuudah ku dhex taal.

Um caminho proporás, por onde virá a espada contra Rabá dos filhos de Amom, e contra Judá, em Jerusalém, a fortificada.

21 W aayo, boqorkii Baabuloon wuxuu soo istaagay meesha jidadku ku kala leexdaan oo ah labada jid madaxooda inuu faaliyo aawadeed. Fallaadhihiisii wuu ku faaliyey, oo teraafiim ayuu la tashaday, oo beer buu fiiriyey.

Pois o rei de Babilônia está parado na encruzilhada, no princípio dos dois caminhos, para fazer adivinhações; ele sacode as flechas, consulta os terafins, atenta para o fígado.

22 M idigtiisa waxaa yiil faalkii Yeruusaalem loo faaliyey, inuu wax lagu jejebiyo dhisto, oo uu afka laynta u furo, oo uu qaylo aad ugu dhawaaqo, oo uu wax lagu jejebiyo irdaha ka hor samaysto, oo uu tuulmo tuulo, oo uu qalcado dhisto.

Na sua mão direita estava a adivinhação sobre Jerusalém, para dispor os aríetes, para abrir a boca, ordenando a matança, para levantar a voz com júbilo, para pôr os aríetes contra as portas, para levantar tranqueiras, para edificar baluartes.

23 O o kuwa dhaarta ku dhaartay waxay hortooda ku noqon doontaa sida faal aan waxtar lahayn oo kale, laakiinse isagu xumaantuu soo xusuusan doonaa, si iyaga lagu qabto aawadeed.

Isso será como adivinhação vã aos olhos daqueles que lhes fizerem juramentos; mas ele se lembrará da iniqüidade, para que sejam apanhados.

24 S idaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku xumaantiinnii waxaad ka dhigteen in la soo xusuusto, oo saasaa xadgudubyadiinnii loo soo bandhigay, oo sidaasaa dembiyadiinnu falimihiinna oo dhan uga muuqdaan, maxaa yeelay, waa laydin soo xusuustay, oo sidaas daraaddeed gacantaa laydinku qaban doonaa.

Portanto assim diz o Senhor Deus: Visto que fizestes ser lembrada a vossa iniqüidade, descobrindo-se as vossas transgressões, aparecendo os vossos pecados em todos os vossos atos; visto que viestes em memória, sereis apanhados com a mão.

25 O o amiirka reer binu Israa'iil oo nijaasta iyo sharka ah, oo wakhtigiisu hadda yimid marka la ciqaabayow,

E tu, ó profano e ímpio príncipe de Israel, cujo dia é chegado no tempo da punição final;

26 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu kugu leeyahay, Duubka iska fur, oo taajka iska qaad. Xaalku sidiisii sii ahaan maayo. Kan hooseeya sarraysii, oo kan sarreeya hoosaysii.

assim diz o Senhor Deus: Remove o diadema, e tira a coroa; esta não será a mesma: exalta ao humilde, e humilha ao soberbo.

27 A nigu waan afgembiyi, oo afgembiyi, oo afgembiyi doonaa iyada, oo mar dambena siima ay ahaan doonto, ilaa uu yimaado kan xaqa u lahu, oo isaga ayaan siin doonaa.

Ao revés, ao revés, ao revés o porei; também o que é não continuará assim, até que venha aquele a quem pertence de direito; e lho darei a ele.

28 H addaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso,

E tu, ó filho do homem, profetiza e dize: Assim diz o Senhor Deus acerca dos filhos de Amom, e acerca do opróbrio deles; dize pois: A espada, a espada está desembainhada, polida para a matança, para consumir, para ser como relâmpago -

29 i nta ay wax aan waxba ahayn kuu arkayaan, oo ay wax been ah kugu faaliyaan, si ay kuugu soo kor daadshaan kuwii la laayay oo sharka ahaa, oo wakhtigoodii yimid markii la ciqaabo.

enquanto eles têm visões vãs a teu respeito, e adivinham mentiras - a fim de que seja posta no pescoço dos ímpios, que estão mortalmente feridos, cujo dia é chegado no tempo da punição final.

30 G alkeedii ha ku noqoto. Anigu waxaan kugu xukumi doonaa meeshii lagugu abuuray iyo dalkii aad ku dhalatay.

Torne a tua espada ã sua bainha. No lugar em que foste criado, na terra do teu nascimento, eu te julgarei.

31 O o waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

Derramarei sobre ti a minha indignação, assoprarei contra ti o fogo do meu furor; entregar-te-ei nas mãos dos homens brutais, destros para destruírem.

32 X aabo baad dabka u noqon doontaa, oo dhiiggaaguna dalkuu dhex oolli doonaa, oo mar dambe laguma soo xusuusan doono, waayo, aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

Ao fogo servirás de pasto; o teu sangue estará no meio da terra; não serás mais lembrado; porque eu, o Senhor, o disse.