Второзаконие 21 ~ Sharciga Kunoqoshadiisa 21

picture

1 Е сли в земле, которую Господь Бог твой, дает тебе во владение, найден будет убитый, лежащий на поле, и неизвестно, кто убил его,

Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay,

2 т о пусть выйдут старейшины твои и судьи твои и измерят до городов, которые вокруг убитого;

markaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan,

3 и старейшины города того, который будет ближайшим к убитому, пусть возьмут телицу, на которой не работали, которая не носила ярма,

oo magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin,

4 и пусть старейшины того города отведут сию телицу в дикую долину, которая не разработана и не засеяна, и заколют там телицу в долине;

oo odayaasha magaaladaasu waa inay qaalinta u wadaan dooxo biyaheedu ordayaan oo aan la jeexin, waxna lagu beerin, oo halkaas dooxada dhexdeeda ah qaalinta qoorta ha kaga jebiyeen.

5 и придут священники, сыны Левиины;

Oo markaas wadaaddada ah ilma Laawi waa inay soo dhowaadaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaguu u doortay inay isaga u adeegaan iyo inay ku duceeyaan magaca Rabbiga, oo muran kasta iyo dhaawac kastaba siday iyagu yidhaahdaan ha laga yeelo.

6 и все старейшины города того, ближайшие к убитому, пусть омоют руки свои над телицы, зарезанной в долине,

Oo magaalada ninka la dilay magaalo ahaan ugu dhow odayaasheeda oo dhammu waa inay ku kor faraxashaan qaalintii qoorta lagaga jebiyey dooxada dhexdeeda,

7 и объявят и скажут: руки наши не пролили крови сей, и глаза наши не видели;

oo iyagu markaas ha jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Dhiiggan gacmahayagu ma daadin, indhahayaguna ma arag.

8 о чисти народ Твой, Израиля, который Ты, Господи, освободил, и не вмени народу Твоему, Израилю, невинной крови. И они очистятся от крови.

Haddaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas.

9 д олжен ты смывать у себя кровь невинного, если хочешь делать справедливое пред очами Господа.

Oo sidaas waa inaad dhexdiinna uga saartaan dhiigga aan xaqa qabin markaad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa. Guursigii Dumarka Maxaabiista Ah

10 К огда выйдешь на войну против врагов твоих, и Господь Бог твой предаст их в руки твои, и возьмешь их в плен,

Oo markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga u kaxaysataan,

11 и увидишь между пленными женщину, красивую видом, и полюбишь ее, и захочешь взять ее себе в жену,

oo haddii midkiin maxaabiista dhexdooda ku arko qof dumar ah oo qurux badan, oo uu iyada jeclaado oo uu doonayo inuu naagaysto,

12 т о приведи ее в дом свой, и пусть она острижет голову свою и обрежет ногти свои,

markaas waa inuu gurigiisii geeystaa, oo iyadu waa inay timaha iska xiirtaa oo ciddiyahana iska jartaa,

13 и снимет с себя пленническую одежду свою, и живет в доме твоем, и оплакивает отца своего и матерь свою в продолжение месяца; и после того ты можешь войти к ней и сделаться ее мужем, и она будет твоею женою;

oo dharkii maxaabiista waa inay iska furtaa, oo gurigiisa ha joogto, oo bil dhan ha u baroorato aabbaheed iyo hooyadeed, oo taas dabadeed waa inuu u tagaa oo ninkeedii ahaadaa, oo iyana naagtiisii ha ahaato.

14 е сли же она не понравится тебе, то отпусти ее, она захочет, но не продавай ее за серебро и не обращай ее в рабство, потому что ты смирил ее.

Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey. Xaquuqdii Curadka

15 Е сли у кого будут две жены--одна любимая, а другая нелюбимая, и как любимая, и нелюбимая родят ему сыновей, и первенцем будет сын нелюбимой, --

Haddii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay,

16 т о, при разделе сыновьям своим имения своего, он не может сыну жены любимой дать первенство пред первородным сыном нелюбимой;

maalinta uu isagu wiilashiisa dhaxalsiiyo xoolihiisa waa inuusan naagtii uu jeclaa wiilkeeda ka dhigin curadka ka horreeyey tii uu nebcaa wiilkeedii ee curadka ahaa,

17 н о первенцем должен признать сына нелюбимой дать ему двойную часть из всего, что у него найдется, ибо он есть начаток силы его, ему право первородства.

laakiinse naagtii uu nebcaa wiilkeedu inuu curadkiisii yahay waa inuu ku caddeeyaa qaybta labanlaabka ah ee uu ka siiyo waxa uu haysto oo dhan, maxaa yeelay, isagu waa bilowgii xooggiisa, oo xaqa curadnimada isagaa leh. Wiilka Caasiga Ah

18 Е сли у кого будет сын буйный и непокорный, неповинующийся голосу отца своего и голосу матери своей, и они наказывали его, но он не слушает их, --

Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

19 т о отец его и мать его пусть возьмут его и приведут его к старейшинам города своего и к воротам своего местопребывания

markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan,

20 и скажут старейшинам города своего: 'сей сын наш буен и непокорен, не слушает слов наших, мот и пьяница';

oo iyagu odayaasha magaaladiisa ha ku yidhaahdeen, Wiilkayaganu waa madax adag yahay, oo waa caasi, oo isagu dooni maayo inuu hadalkayaga addeeco. Isagu waa rabshaalow oo waa khamriyacab.

21 т огда все жители города его пусть побьют его камнями до смерти; и истреби зло из среды себя, и все Израильтяне услышат и убоятся.

Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan. Qaynuunno Kala Duwan

22 Е сли в ком найдется преступление, достойное смерти, и он будет умерщвлен, и ты повесишь его на дереве,

Oo haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan,

23 т о тело его не должно ночевать на дереве, но погреби его в тот же день, ибо проклят пред Богом повешенный, и не оскверняй земли твоей, которую Господь Бог твой дает тебе в удел.

jidhkiisa meydka ahu waa inaan habeenka oo dhan geedka lagu dayn, laakiinse hubaal waa inaad isla maalintaas aastaan si aydaan ku nijaasayn dalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siiyey, maxaa yeelay, mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu ka inkaaran yahay xagga Ilaah.