Baroorashadii Yeremyaah - 3

picture

1 A nigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.

2 W uu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.

3 S ida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.

4 J iidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

5 W ax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.

6 W uxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

7 D erbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

8 O o weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.

9 J idadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.

10 W uxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.

11 J idadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

12 Q aansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.

13 I sagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

14 W axaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.

15 W uxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.

16 I lkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.

17 N aftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

18 W axaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.

19 X usuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.

20 N aftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.

21 T an uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.

22 R abbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.

23 S ubax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.

24 N aftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.

25 R abbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.

26 W axaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.

27 W axaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.

28 K eligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.

29 A fkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.

30 D habankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.

31 W aayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.

32 M axaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.

33 W aayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.

34 I n maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,

35 I yo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,

36 I yo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.

37 W aa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?

38 K an ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?

39 B al maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?

40 J idadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.

41 Q albigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.

42 A nnagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

43 C adho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

44 D aruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.

45 W axaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

46 C adaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

47 W axaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.

48 I ndhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.

49 I ndhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan

50 I lamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.

51 I ndhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.

52 K uwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.

53 W axay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.

54 M adaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.

55 R abbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.

56 C odkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

57 M aalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.

58 S ayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.

59 R abbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.

60 A arsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.

61 R abbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,

62 I yo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.

63 B al eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.

64 R abbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.

65 I ndhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.

66 C adho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.