Sabuurradii - 115

picture

1 R abbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.

2 B al maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

3 L aakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.

4 S anamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.

5 W axay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

6 D hegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,

7 G acmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.

8 K uwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.

9 R eer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

10 R eer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

11 K uwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

12 R abbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa, Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa, Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.

13 W uxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.

14 R abbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba.

15 R abbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.

16 S amooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.

17 K uwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan, Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,

18 L aakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba. Rabbiga ammaana.