Sabuurradii - 26

picture

1 R abbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.

2 R abbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.

3 W aayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.

4 L ama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.

5 W aan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.

6 G acmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

7 S i aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

8 R abbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.

9 N aftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,

10 G acmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.

11 L aakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

12 C agtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.