1 M arkaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
2 W aa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn?
3 H addaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
4 M arkaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5 H addaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
6 A asaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
7 M arkay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
8 A mase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,
9 I yo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10 O o aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11 O o aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
12 T an iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13 S i uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?
14 W aa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
15 O o sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
16 A digu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?
17 G eerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
18 M iyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19 R ugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20 S i aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21 S hakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
22 A digu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
23 K uwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
24 I ftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25 B al yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,
26 S i roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,
27 S i uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
28 R oobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
29 B arafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
30 B iyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
31 A digu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
32 M iyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto? Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
33 M iyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
34 C odkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
35 M iyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
36 B al yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37 B al yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38 M arkii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?
39 M iyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
40 M arkay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
41 B al yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?