Sabuurradii - 28

picture

1 R abbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.

2 M aqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.

3 H a ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.

4 I yaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.

5 I yaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.

6 M ahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

7 R abbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

8 R abbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.

9 D adkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.