Sabuurradii - 122

picture

1 W aan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.

2 Y eruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,

3 Y eruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,

4 H alkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.

5 W aayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.

6 Y eruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.

7 N abadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.

8 W alaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.

9 R abbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.