1 I laaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
2 W aayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
3 O o weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.
4 A nigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
5 W anaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, Jacaylna nacayb.
6 N in shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
7 M arkii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
8 C imrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.
9 C arruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.
10 C arruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
11 M idka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
12 Y aanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
13 F arcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
14 X umaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
15 R abbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
16 M axaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
17 W uxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
18 O o weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
19 I saga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
20 T anu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
21 L aakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
22 W aayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
23 W axaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
24 J ilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
25 O o weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
26 R abbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
27 S i ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
28 I yagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
29 C adaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
30 A fkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
31 W aayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.