Galatiya - 5

picture

1 X orriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

2 B al ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.

3 W axaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.

4 W aad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.

5 W aayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.

6 M axaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.

7 S i wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin?

8 T aladanu kama iman kan idiin yeedhaya.

9 I n yar oo khamiir ah cajiinka oo dhan bay khamiirisaa.

10 X agga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.

11 L aakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.

12 W axaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan. Xorriyadda Waa In Jacaylku Xukumo

13 W aayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.

14 W aayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

15 L aakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in. Midhaha Ruuxa

16 L aakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.

17 W aayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.

18 L aakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan.

19 S huqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo,

20 s anamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,

21 x aasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.

22 L aakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo,

23 q abownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.

24 K uwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.

25 H addii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.

26 Y eynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.