1 B al quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
2 B oqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
3 S ilsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
4 K an samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
5 M arkaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
6 A nigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
7 A markii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
9 W axaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 H addaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 R abbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 W iilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.