Sabuurradii - 15

picture

1 R abbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?

2 W aa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.

3 W aana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,

4 K ii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,

5 K ii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.