Sabuurradii - 119

picture

1 W axaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.

2 W axaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.

3 H aah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.

4 W axaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.

5 A ad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!

6 M arkaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.

7 M arkaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.

8 W axaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay. BED

9 B al nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.

10 W axaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

11 W axaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

12 R abbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

13 W axaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.

14 W axaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.

15 W axaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.

16 Q aynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono. GIMEL.

17 A noo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.

18 I ndhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.

19 S ocotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.

20 N aftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.

21 W axaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.

22 C ay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

23 O o weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.

24 M arkhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda. DALED.

25 N aftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.

26 W axaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

27 J idka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.

28 N aftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.

29 J idka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.

30 W axaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.

31 M arkhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.

32 W axaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid. HE.

33 R abbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.

34 W axgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.

35 I gu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.

36 Q albigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.

37 I ndhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.

38 E raygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.

39 C aydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.

40 B al eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee. WAW.

41 R abbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

42 M arkaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.

43 O o erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.

44 M arkaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.

45 O o waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

46 O o weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.

47 O o waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.

48 O o weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada. SAYN.

49 X usuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.

50 O o taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

51 K uwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.

52 R abbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.

53 A ad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.

54 Q aynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.

55 R abbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.

56 T aasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey. KHED.

57 R abbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.

58 Q albigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.

59 W axaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.

60 W aan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.

61 W axaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.

62 W axaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.

63 A nigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.

64 R abbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar. TET.

65 R abbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.

66 H addaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

67 I ntaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.

68 W aad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

69 K uwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.

70 Q albigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.

71 W aa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.

72 S harciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah. YOD.

73 W axaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.

74 K uwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.

75 R abbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.

76 W aan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.

77 N axariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.

78 K uwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.

79 K uwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.

80 Q albigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin. KAF.

81 N aftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.

82 S idii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.

83 W aayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.

84 A noo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?

85 K uwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.

86 A marradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,

87 D hulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.

88 R axmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga. LAMED.

89 R abbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.

90 A aminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.

91 M aantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.

92 H addaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.

93 W eligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.

94 A nigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

95 K uwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

96 W axaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay. MEM.

97 A ad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.

98 A marradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.

99 W aan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.

100 W aan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.

101 C agahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.

102 X ukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.

103 E rayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!

104 A marradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay. NUN.

105 E raygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.

106 W axaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.

107 A ad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

108 R abbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.

109 N aftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.

110 K uwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.

111 M arkhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.

112 Q albigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta. SAMEKH.

113 W aan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

114 W axaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.

115 K uwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.

116 R abbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.

117 K or ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

118 K uwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.

119 K uwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.

120 J idhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada. CAYN.

121 W axaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.

122 A noo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.

123 I ndhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.

124 A noo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.

125 W axaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

126 W aa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.

127 H addaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.

128 S idaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah. FE.

129 M arkhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.

130 E rayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.

131 A fka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.

132 I i soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.

133 T allaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.

134 D adka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.

135 A noo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.

136 I ndhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin. SADE.

137 R abbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.

138 M arkhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.

139 W axaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

140 E raygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

141 A nigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

142 X aqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.

143 D hib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

144 M arkhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa. QOF.

145 W axaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.

146 W aan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.

147 W aan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.

148 I ndhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.

149 C odkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

150 K uwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.

151 R abbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.

152 W axaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan. RESH.

153 D hibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.

154 D acwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

155 K uwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.

156 R abbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

157 K uwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

158 W axaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.

159 B al ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

160 E raygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba. SHIN.

161 A miirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.

162 W axaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.

163 B eenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

164 M aalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.

165 K uwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.

166 R abbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.

167 N aftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.

168 W axaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin. TAW.

169 R abbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.

170 B aryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.

171 B ushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.

172 C arrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.

173 G acantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.

174 R abbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

175 N aftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.

176 W axaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.