Falimaha Rasuullada - 17

picture

1 H addaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;

2 o o Bawlos sidii caadadiisu ahayd, ayuu iyagii u galay, oo saddex sabtiyoodna ayuu Qorniinka kala hadlay,

3 i sagoo caddaynaya oo muujinaya inay waajib ahayd in Masiixu silco oo ka soo sara kaco kuwii dhintay, wuxuuna yidhi, Ciisahan aan idinku wacdiyey waa Masiixa.

4 O o waxaa la rumaysiiyey oo Bawlos iyo Silas isku daray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa Gariig fara badan oo cibaadaysan iyo dumarka madaxda ah oo aan fara yarayn.

5 L aakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.

6 O o markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,

7 i yagoo uu Yasoon martiggeliyey; kuwaas oo dhanna waxay falaan wax ka gees ah amarrada Kaysar, iyagoo leh, Waxaa jira boqor kale oo Ciise ah.

8 M arkaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.

9 O o kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen. Bawlos Oo Beroya Jooga

10 O o markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda.

11 H addaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.

12 S idaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.

13 L aakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.

14 M arkaasaa walaalihii kolkiiba Bawlos u direen inuu tago ilaa badda; Silas iyo Timoteyosna halkaasay weli joogeen.

15 L aakiin kuwii Bawlos ambabbixiyey waxay isagii keeneen ilaa Ateenay; markaasay ka tageen iyagoo Silas iyo Timoteyos amar u qaadaya inay degdeg u yimaadaan. Bawlos Oo Ateenay Jooga

16 H addaba Bawlos intuu Ateenay ku sugayay iyagii, ruuxiisu waa kacay markuu arkay magaalada oo sanamyo ka buuxaan.

17 S aas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.

18 W axaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.

19 M arkaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?

20 W aayo, waxaad dhegahayaga maqashiisaa waxyaalo qalaad. Sidaa darteed waxaannu doonaynaa inaannu ogaanno waxyaalahanu waxay yihiin.

21 ( Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.) Wacdigii Bawlos Markuu Are'obagos Dhex Taagnaa

22 M arkaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.

23 W aayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa.

24 I laaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,

25 g acmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba;

26 o o quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;

27 i nay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta;

28 m axaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa.

29 H addaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka.

30 H addaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;

31 m axaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.

32 H addaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.

33 H addaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.

34 L aakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.