1 W ar miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?
2 M iyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?
3 I ntay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan.
4 O o ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.
5 B al yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?
6 K aas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.
7 M agaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.
8 X idhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.
9 D ibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?
10 D ibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?
11 X ooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?
12 M a waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno, Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?
13 G orayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?
14 W aayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa, Oo ciidday ku diirisaa,
15 O o waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.
16 W axay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,
17 M axaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday, Oo waxgarashona ma uu siin.
18 O o markay kor isu qaaddo inay carartona, Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.
19 W ar ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?
20 W ar ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.
21 D ooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.
22 C absida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo.
23 K orkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
24 I sagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho, Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.
25 O o mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu “Haw” yidhaahdaa, Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa, Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.
26 H aadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?
27 B aqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?
28 W axay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.
29 O o iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa, Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.
30 D hasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan, Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.