1 H addaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
2 H addaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,
3 K olkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,
4 K olkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
5 O o kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
6 W axaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
7 N afteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
8 C aawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.