1 I laahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
2 W aayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
3 D adkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
4 W axay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
5 W aayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
6 T eendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
7 R eer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
8 O o xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
9 I yaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
10 W axay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
11 N imankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
12 K uwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
13 I laahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
14 S ida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,
15 S idaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.
16 R abbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.
17 W eligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,
18 S i ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.