1 M arkaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,
2 O o mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.
3 C untadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.
4 H a isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
5 M a waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.
6 K an isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,
7 W aayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
8 W ixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
9 N acas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
10 S oohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
11 W aayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
12 Q albigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
13 I lmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
14 U l baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.
15 W iilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
16 H aah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.
17 Q albigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.
18 W aayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.
19 W iilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
20 H a dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,
21 W aayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.
22 D hegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
23 R unta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
24 K ii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.
25 A abbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.
26 W iilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
27 W aayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
28 S ida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
29 B al yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?
30 W aa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.
31 H a fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.
32 U gu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.
33 I ndhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.
34 O o waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.
35 W axaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.