Sabuurradii - 58

picture

1 H ubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan? Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?

2 H ubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato, Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.

3 K uwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.

4 S untoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,

5 K aasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya.

6 I laahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi, Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.

7 H a u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya. Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.

8 H a noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da, Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.

9 I ntaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.

10 K an xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada, Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.

11 S idaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.