1 M arkaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,
2 W ar ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan?
3 T oban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
4 O o sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay, Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.
5 O o sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,
6 H addaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
7 B al eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
8 J idkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.
9 A mmaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.
10 X agga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.
11 A ad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.
12 C iidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.
13 W alaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.
14 E helkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
15 K uwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.
16 W axaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.
17 N aagtaydu waxay nacdaa neeftayda, Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.
18 X ataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.
19 S aaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.
20 H araggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.
21 S aaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.
22 M axaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?
23 W axaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!
24 I yo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas!
25 L aakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.
26 O o markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
27 K aasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay.
28 H addaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay, Bal maxaannu isaga u silcinnaa?
29 S i aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.