Sabuurradii - 69

picture

1 I laahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

2 W axaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.

3 W axaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.

4 K uwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.

5 I laahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.

6 S ayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.

7 M axaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.

8 W axaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.

9 Q iiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.

10 M arkaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.

11 M arkaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.

12 K uwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.

13 L aakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.

14 D hoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.

15 B iyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.

16 R abbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.

17 O o wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.

18 N aftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.

19 W aad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.

20 C ay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

21 O o weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.

22 M iiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.

23 I ndhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.

24 X anaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

25 G urigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,

26 W aayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.

27 X umaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.

28 M agacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.

29 L aakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.

30 R abbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.

31 O o taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.

32 K uwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.

33 W aayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.

34 S amada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.

35 W aayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.

36 O o weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.