1 H addaba maxaynu nidhaahnaa inuu helay Ibraahim oo awowgeennii hore ahaa xagga jidhka?
2 W aayo, haddii Ibraahim shuqullo xaq ku noqday, wax uu ku faano buu leeyahay ee Ilaah hortiisa ma aha.
3 M axaa Qorniinku leeyahay? Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.
4 H addee kii shaqeeya abaalgudkiisa looguma tiriyo sida nimco laakiinse sida qaan oo kale.
5 L aakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.
6 S ida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh,
7 W axaa barakaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey, Oo dembiyadooda la daboolay.
8 W axaa barakaysan ninkii Rabbigu uusan dembi u tirinayn.
9 H addaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.
10 S idee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa;
11 o o wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,
12 i yo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa. Ballankii Waxaa Lagu Helay Rumaysadka
13 W aayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga, laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka.
14 W aayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey,
15 m axaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.
16 T aas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen,
17 ( sida qoran, Quruumo badan baan aabbe kaaga dhigay) Ilaaha uu rumaystay hortiisa, kan nooleeya kuwii dhintay oo u yeedha waxyaalaha aan jirin sida iyagoo jira.
18 I braahim rajuu wax ku rumaystay iyadoo aan rajo jirin inuu aabbe u noqdo quruumo badan, sida waxyaalihii lagula hadlay leeyihiin, Farcankaagu sidaasuu noqon doonaa.
19 I sagoo aan rumaysadkii ku tabaryaraan wuxuu ka fikiray jidhkiisii sida meyd oo kale ahaa (isagoo boqol jir ku dhow) iyo meydnimadii maxalkii Saarah.
20 B allankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya
21 o o aad u huba in wixii uu u ballanqaaday uu samayn karo.
22 S idaas daraaddeedna waxaa loogu tiriyey xaqnimo.
23 W ixii loo tiriyey looma qorin isaga aawadiis oo keliya,
24 l aakiin waxaa loo qoray innaga aawadeenna. Waa loo tirin doonaa kuweenna rumaysan kii kuwii dhintay ka soo sara kiciyey Rabbigeenna Ciise,
25 k ii loo bixiyey xadgudubkeenna aawadiis oo loo sara kiciyey inuu xaq inaga dhigo.