Bilowgii - 12

picture

1 R abbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac.

2 O o quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;

3 o o waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

4 M arkaasaa Aabraam tegey, sidii Rabbigu ku yidhi; Luudna wuu raacay. Aabraam shan iyo toddobaatan sannadood buu jiray markuu Haaraan ka tegey.

5 A abraamna wuxuu kaxaystay naagtiisii Saaray, iyo Luud oo ahaa wiilkii walaalkiis, iyo xoolahoodii ay urursadeen oo dhan, iyo dadkii ay Haaraan ka heleen oo dhan; kolkaasay u kaceen dalkii Kancaan, oo waxay yimaadeen dalkii Kancaan.

6 A abraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen.

7 O o Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.

8 M arkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay.

9 K olkaasaa Aabraam socdaalay, isagoo weli xagga koonfureed u sii socda. Aabraam Oo Joogay Masar

10 K olkaasaa dhulkii abaari ka dhacday: markaasuu Aabraam Masar tegey; inuu halkaas qariib ku ahaado, waayo, abaartii aad bay dhulkii ugu xumayd.

11 O o waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan,

12 o o waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan.

13 W axaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.

14 O o waxay noqotay in markii Aabraam Masar soo galay, ay Masriyiintii arkeen in naagtu aad u quruxsan tahay.

15 O o amiirradii Fircoon baa arkay, oo Fircoon bay u ammaaneen iyadii, oo naagtii waxaa loo kaxeeyey gurigii Fircoon.

16 I saguna Aabraam si wanaagsan buu u qabtay iyada aawadeed: wuxuuna lahaa ido, iyo dibiyo, iyo dameerro lab, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo dameerro dhaddig iyo geel.

17 O o Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed.

18 F ircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?

19 M axaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag.

20 F ircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.