Ayuub - 33

picture

1 H abase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.

2 B al eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.

3 E rayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.

4 W axaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.

5 H addaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.

6 B al eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.

7 B al eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.

8 S ida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

9 A nigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.

10 B al eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;

11 C agahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.

12 B al eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.

13 H addaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

14 W aayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar, Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.

15 R iyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o,

16 M arkaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,

17 S i uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,

18 O o naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.

19 O o weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.

20 S idaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.

21 H ilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.

22 H ubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.

23 H adday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman,

24 M arkaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay.

25 H ilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.

26 I sagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.

27 I sagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaalgudin.

28 I sagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.

29 B al eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,

30 S i uu naftiisa yamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.

31 A yuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.

32 H addaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

33 H addii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.