Yooxanaa - 13

picture

1 I idda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka.

2 I bliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.

3 O o wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo,

4 a yuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday.

5 M arkaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.

6 W uxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?

7 M arkaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.

8 B utros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid.

9 M arkaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh.

10 C iise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha.

11 W aayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.

12 H addaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?

13 W axaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay.

14 H addaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan.

15 W axaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey.

16 R untii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray.

17 H addaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.

18 D hammaantiin ka hadli maayo; waan garanayaa kuwaan doortay. Laakiin Qorniinka leh, Kan kibistayda cuna ayaa cedhibtiisa ii qaaday, waa inuu ahaado.

19 H adda dabadeed waxaas ayaan idiin sheegayaa intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan inaan ahay isagii.

20 R untii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray. Ciise Wuxuu Muujiyey Kan Gacangelin Doona

21 C iise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

22 M arkaasay xertii is-eegeegeen iyagoo aan garanaynin kii uu ka hadlayay.

23 W axaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.

24 S idaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo.

25 I sagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?

26 M arkaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon.

27 M arkuu koosaarta qaatay dabadeed, Shayddaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee.

28 K uwa la fadhiyey midkoodna ma garanaynin sababta uu sidaas ugula hadlay isaga.

29 Y uudas baa kiishaddii lacagta hayay, taas aawadeed qaar waxay u maleeyeen in Ciise ku yidhi, Soo iibi waxaynu iidda u baahan nahay, ama, Masaakiinta wax sii.

30 I sagu haddaba markuu koosaartii qaatay, markiiba ayuu baxay, oo waxayna ahayd habeennimo. Qaynuunka Cusub Oo Jacaylka

31 H addaba markuu baxay, Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga.

32 H addii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa.

33 C arruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.

34 W axaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.

35 S idaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan. Waxaa La Sii Sheegay In Butros Ciise Dafiri Doono

36 S imoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

37 B utros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.

38 C iise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.