Bilowgii - 22

picture

1 O o waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

2 M arkaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono.

3 O o aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay.

4 M aalintii saddexaad ayuu Ibraahim indhihiisa kor u taagay, markaasuu meeshii oo ka fog arkay.

5 I braahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Idinku halkan dameerka la jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna waannu idinku soo noqonaynaa.

6 I braahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen.

7 I sxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa?

8 I braahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen.

9 O o waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda.

10 I braahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo.

11 M arkaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan.

12 M arkaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.

13 M arkaasaa Ibraahim indhihiisii kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu dabadiisa ku arkay wan geesaha kayn kula jira. Markaasaa Ibraahim tegey oo wankii soo kaxeeyey, oo wuxuu u bixiyey allabari guban meeshii wiilkiisa.

14 I braahimna meeshaas wuxuu u bixiyey Yehowah Yireh; xataa ilaa maanta waxaa la yidhaahdaa, Buurta Rabbiga ayaa lagu arki doonaa.

15 K olkaasaa mar labaad malaa'igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay,

16 o o waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

17 i naan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;

18 o o ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

19 H addaba Ibraahim wuxuu ku noqday raggiisii dhallinyarada ahaa, markaasay kaceen oo waxay wada tageen Bi'ir Shebac, Ibraahimna wuxuu iska degay Bi'ir Shebac. Wiilashii Naaxoor

20 O o waxaa dhacay waxyaalahaas dabadood, in Ibraahim loo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, Milkah carruur bay u dhashay walaalkaa Naaxoor.

21 W axay yihiin Cuus oo ah curadkiisa, iyo Buus oo ah walaalkiis, iyo Qemuu'el oo ah Araam aabbihiis;

22 i yo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el.

23 B etuu'elna wuxuu dhalay Rebeqah. Siddeeddan bay Milkah u dhashay Naaxoor, oo ahaa Ibraahim walaalkiis.

24 A ddoontiisii la odhan jiray Re'uumah waxay iyana u dhashay Tebah, iyo Gaham, iyo Tahash, iyo Macakah.