Sabuurradii - 80

picture

1 N a maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.

2 R eer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici, Oo kaalay oo na badbaadi.

3 I laahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

4 R abbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?

5 W axaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.

6 W axaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.

7 I laaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

8 G eed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay, Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.

9 M eel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.

10 O o buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.

11 L aamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.

12 B al maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?

13 W axaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.

14 I laaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,

15 O o ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.

16 D ab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.

17 G acantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.

18 M arkaas dib kaaga noqon mayno, Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.

19 R abbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.