Matayos - 25

picture

1 H addaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan.

2 S hantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen.

3 K uwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan.

4 K uwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto.

5 L aakiin ninkii arooska ahaa waa raagay, taas daraaddeed ayay wada lulmoodeen oo seexdeen.

6 H abeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga.

7 M arkaasaa bikradihii oo dhammu wada kaceen oo laambadahoodii hagaajiyeen.

8 K uwii doqonnada ahaa waxay kuwii caqliga lahaa ku yidhaahdeen, Saliiddiinna wax naga siiya, waayo, laambadahayagii waa demayaan.

9 L aakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada.

10 M arkay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay.

11 D abadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur.

12 L aakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo.

13 H addaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda. Masaalka Ku Saabsan Talantiyaasha

14 M axaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay.

15 M id wuxuu siiyey shan talanti, midna wuxuu siiyey laba, midna wuxuu siiyey mid; mid kasta sidii tabartiisu ahayd, markaasuu dhoofay.

16 I sla markiiba kii shantii talanti helay ayaa tegey oo ku baayacmushtaray, oo wuxuu faa'iiday shan talanti oo kale.

17 S idaas oo kale kii labada helayna, laba kale ayuu faa'iiday.

18 K ii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey.

19 W akhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay.

20 K ii shantii talanti helay ayaa yimid oo keenay shan talanti oo kale, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay shan talanti; eeg, shan talanti oo kale ayaan ka faa'iiday.

21 S ayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.

22 K ii labadii talanti helayna waa yimid oo yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay laba talanti; eeg, laba talanti oo kale ayaan ka faa'iiday.

23 S ayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.

24 K ii talantigii keliya helayna waa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, waan ku garanayay inaad tahay nin qalbi engegan, oo aad wax ka guratid meel aanad wax ku beeran oo aad wax ka urursatid meel aanad wax ku firdhin.

25 W aana baqay, oo intaan tegey ayaan talantigaagii dhulka ku qariyey. Bal eeg, waa kan kaagii.

26 M arkaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.

27 H addaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa.

28 H addaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya.

29 W aayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

30 O o addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. Maalinta Xisaabta

31 G oortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa.

32 Q uruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha.

33 I daha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa.

34 M arkaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey.

35 W aayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen,

36 w aan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen.

37 M arkaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay?

38 G oormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay?

39 G oormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid?

40 M arkaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.

41 M arkaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.

42 W aayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin.

43 Q ariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan.

44 I yaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay?

45 M arkaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen.

46 K uwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.