Bilowgii - 2

picture

1 S amada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba.

2 M aalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba.

3 O o Ilaah wuu barakeeyey maalintii toddobaad, quduusna wuu ka dhigay; maxaa yeelay, maalintaas ayaa Ilaah ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey ee ahaa abuuridda oo dhan. Aadan Iyo Xaawa

4 K uwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.

5 D hirta duurkuna weli kuma ay oollin dhulka, geedaha yaryar oo duurkuna weli sooma ay bixin: waayo, Rabbiga Ilaah ahu dhulka roob kuma soo dayn, nin dhulka beeraana ma jirin;

6 l aakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan.

7 R abbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool.

8 O o Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.

9 R abbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

10 C eedenna webi baa ka baxay inuu beerta waraabiyo; halkaasuuna ku kala qaybsamay, wuxuuna noqday afar madax.

11 K an kowaad magiciisu wuxuu ahaa Fiishoon: kaasu waa kan ku wareegsan dhulka Xawiilaah oo dhan, meeshaas oo dahab leh;

12 o o dahabka dhulkaasu waa wanaagsan yahay: oo meeshaasuna waxay leedahay beduliyum iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo.

13 W ebiga labaad magiciisuna waa Giixoon: kaasuna waa kan ku wareegsan dhulka Kuush oo dhan.

14 W ebiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel: kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad.

15 R abbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.

16 R abbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:

17 l aakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.

18 O o Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.

19 R abbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday.

20 O o ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga, laakiin ninkii looma helin mid caawisa oo ku habboon.

21 O o Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday.

22 O o feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii.

23 N inkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.

24 S idaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.

25 O o labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.