1 A nigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.
2 R abbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.
3 C arrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?
4 A doo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.
5 A naa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
6 N aftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.
7 W axaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.