Ayuub - 26

picture

1 M arkaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 S idee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!

3 S idee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!

4 Y aad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?

5 K uwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.

6 S he'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh.

7 I sagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.

8 B iyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.

9 W uxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.

10 B iyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka.

11 T iirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.

12 B adda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.

13 S amooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.

14 B al eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?