1 Butros - 5

picture

1 A nigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira:

2 I laaliya idaha Ilaah oo idin dhex jooga, idinkoo aan qasab ahaan u dhawrayn, laakiinse raalli ka ah sida Ilaah doonayo.

3 O o weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda.

4 O o marka Adhijirka sare la muujiyo, idinku waxaad heli doontaan taajka ammaanta oo aan baabba'ayn.

5 S idaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. Waano

6 H addaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.

7 W elwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.

8 F eeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo.

9 I saga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.

10 H addaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.

11 W eligiis iyo weligiisba xoogga isagaa leh. Aamiin.

12 W axaan warqad yar idiinku soo qoray gacanta walaalkeen Silwanos oo aan ku tirinayo inuu aamin yahay. Oo waxaan idinku waaninayaa oo marag ahaan idiinku sheegayaa in tanu tahay nimcada Ilaah oo run ah. Taas ku adkaada

13 W axaa idin soo salaamaya tan Baabuloon joogta oo laydinla doortay, iyo wiilkayga Markos.

14 I sku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.