1 B errito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
2 M id kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
3 D hagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
4 C adho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
5 C anaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
6 S aaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
7 N aftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
8 N inkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
9 S aliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
10 H a ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
11 W iilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
12 N inkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
13 K ii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
14 K ii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
15 M aalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
16 K u alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
17 B ir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
18 K u alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
19 S ida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
20 S he'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
21 W eelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
22 I n kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
23 A ad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
24 W aayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
25 C awska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
26 B araarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
27 W axaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.