1 N aftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay, Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
2 W axaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
3 W axa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
4 W axaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada, Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5 A digaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6 W axaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7 C anaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8 W axay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay.
9 W axaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 I sagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 W axay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 H aadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 B uuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 I sagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 I yo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 R abbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 K uwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 B uuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 I sagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo, Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 W axaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 L ibaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 O o kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan, Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 D adku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 R abbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 H alkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 H alkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 K uwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 O o waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 W ejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan, Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan, Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 W axaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan, Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 R abbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba, Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 I sagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa, Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 I ntaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa, Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 F ikirkaygu isaga ha u macaanaado, Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 D embilayaashu dhulka ha ka baabbe'een, Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin. Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiga ammaana.