1 Korintos - 16

picture

1 H addaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela.

2 M aalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin.

3 O o markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.

4 O o hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan. Bawlos Arrimihiisii Iyo Nabadgelyaynta

5 M arkaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa.

6 M indhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono.

7 W aayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo.

8 L aakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste.

9 W aayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.

10 T imoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale.

11 H addaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco.

12 X agga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

13 S oo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba.

14 W ax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.

15 W alaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa

16 i naad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.

17 W axaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray.

18 W aayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

19 K iniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.

20 W alaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

21 A nigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.

22 Q of uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.

23 N imcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

24 D hammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.