1 Q albigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta.
2 G uriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.
3 O o haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.
4 O o meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaaniin.
5 T oomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka?
6 M arkaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.
7 H addaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.
8 F ilibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay.
9 M arkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?
10 M iyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.
11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.
12 R untii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa.
13 O o wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka.
14 H addii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa. Ciise Wuxuu Ku Ballanqaaday Ruuxa
15 H addii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan.
16 A niguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin,
17 w axaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa.
18 I diinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa.
19 I n yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.
20 M aalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro.
21 K ii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga.
22 Y uudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?
23 C iise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.
24 K ii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray.
25 W axyaalahaas ayaan idinkula hadlay intaan idinla joogay,
26 l aakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi.
27 N abad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.
28 W aad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.
29 H aatan waxaan idiinku sheegay intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan.
30 M ar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha.
31 L aakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.