Sabuurradii - 126

picture

1 M arkii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.

2 M arkaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.

3 R abbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.

4 R abbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.

5 K uwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.

6 K ii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.