Sabuurradii - 25

picture

1 R abbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.

2 I laahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.

3 K uwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.

4 R abbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.

5 R untaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.

6 R abbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.

7 H a xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.

8 R abbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.

9 K uwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.

10 R abbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.

11 R abbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.

12 B al waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.

13 N aftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.

14 R abbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.

15 W eligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.

16 B al xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

17 D hibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.

18 B al fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.

19 B al fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

20 N aftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.

21 D aacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.

22 I laahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.