1 N aftaydu noloshadayday la daallan tahay, Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa, Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
2 W axaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
3 B al miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
4 M a waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
5 W akhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa? Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
6 O o bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
7 I n kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
8 G acmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay, Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
9 B al xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey, Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
10 W ar sow sidii caano iima aadan daadin, Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
11 W axaad i huwisay harag iyo hilib, Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
12 W axaad i siisay nolol iyo raallinimo, Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
13 L aakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay; Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
14 H addaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
15 H addaan sharrow ahay, anaa iska hoogay, Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo Anigoo ceeb ka buuxa Oo dhibaatadayda fiirinaya.
16 O o haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale, Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
17 W axaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
18 B al maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
19 W axaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin, Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
20 W ar cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
21 I ntaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn, Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,
22 K aasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.