1 A nigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
2 W aayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
3 H addii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
4 R abbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
5 R abbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
6 K uwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
7 W aayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.