1 M arkaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 M a nin baa Ilaah wax u tari kara? Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.
3 B alse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa? Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?
4 W ar ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?
5 S ow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.
6 W aayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.
7 K ii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
8 L aakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.
9 C armallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.
10 S idaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,
11 A ma gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.
12 W ar sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
13 O o adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?
14 W axaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag, Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.
15 W ar ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?
16 I yaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.
17 W axay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?
18 L aakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan; Talada sharrowguse way iga fog tahay.
19 K uwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan, Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,
20 W axayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.
21 H addaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow, Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.
22 H addaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli.
23 W aa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid, Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.
24 K hasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,
25 O o Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.
26 O o markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa, Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.
27 O o isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa, Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.
28 A diguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa; Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan.
29 M arkii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.
30 O o wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin; Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.